Wafti ka socda dalka Jarmalka oo gaarey magaalada Bosaso

Image
Image

Wafdi balaaran oo uu hogaaminayey safiir ku xigeenka dalka Jermalka ee Somalia Christain Resch, ayaa soo gaaray magaaladda Boosaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Waxaa kaloo wafdigan kamid ah madaxa WFP ee Somalia Mr. Laurent Bukera oo isagannu oo kamid ah xubnaha yimi Bosaso.

Wasiirka dekadaha Gaadiidka badda ee Puntland Cabdullaahi Jaamac Saalax oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in wafdiga soo gaaray Bosaso maalinta ayna xariga ka jari doonaan mashruuc ay ka fuliyeen saldhiga weyn ee magaalada Bosaso.

Madaxweynaha Puntland ayaa warar Garowe Online soo gaaraya sheegayaan iney u suurtoobi waydey inuu tago magaalada Boosaso si uu ula kulmi waftigaan iyo kuwa kale oo imaanaya maalmaha soo socda madaama booqasho shaqo ku joogo Galkacayo.

Madaxdaan kala duwan ayaa la filayaa iney booqdaan xarumo dhowr ah oo ku yaalla magaaladda Boosaso, sidoo kale waxey booqan doonaan xarunta dadka qaxootiga ah ee ka soo barakacay dagaaladda dalka Yemen.

GAROWEONLINE
 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM