Wajiga koowaad ee dhismaha marsada Garacad oo xariga laga jaray

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madax kale ayaa ka qeybgalay munaasabaddan.

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si wadajir ah waxay xarigga ka jareen wajiga koowaad ee dhismaha Dekedda Garacad ee Gobolka Mudug.

Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyey maamulka iyo bulshada Puntland sida ay uga dhabeeyeen himiladan isku tashiga ah, waxa uuna ku tilmaamay mid ka tarjumeysa sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu istaageen horumarka iyo wax-wada qabsiga.

"Maanta waa maalin farxadeed, waa maalin la isu bogaadiyo, Ilaahay ayaana mahadda iska leh. Horumar kasta oo la gaaro waxaa sal u ah nabadda iyo isku duubnida," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Bulshada deegankan iyo guud ahaan Puntland waxay muujiyeen geesinimo, hawlkarnimo iyo sida shacabka Soomaaliyeed ay u gaari karaan guulo waaweyn haddi ay gacmaha is-qabsadaan. Guusha lagu hirgeliyey mashruucan waxaa iska leh Soomaaliya oo dhan".

Isaga oo hadalkiisa sii wata, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dul istaagay halganka isku tashiga ah ee ka socda guud ahaan dalka oo uu ugu horreeyo midka lagu cirib tirayo argagixisada Alshabaab oo isbaarada u dhigtay nolasha iyo horumarka dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu xusay in Soomaaliya xasilloon oo nabad iyo barwaaqo ah ay ku imaaneyso dalka oo laga xoreeyo khawaarijta Alshabaab.

Deegaannada dalka, dowlad-goboleedyada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ayuu ku waaniyey in ay ku tartamaan horumarka iyo wax-wada qabsiga, isagoo tilmaamay taageerada iyo mudnaanta dowladdu ay u siineyso mashaariicda isku tashiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM