Wajiga koowaad ee dhismaha marsada Garacad oo xariga laga jaray

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madax kale ayaa ka qeybgalay munaasabaddan.

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si wadajir ah waxay xarigga ka jareen wajiga koowaad ee dhismaha Dekedda Garacad ee Gobolka Mudug.

Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyey maamulka iyo bulshada Puntland sida ay uga dhabeeyeen himiladan isku tashiga ah, waxa uuna ku tilmaamay mid ka tarjumeysa sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu istaageen horumarka iyo wax-wada qabsiga.

"Maanta waa maalin farxadeed, waa maalin la isu bogaadiyo, Ilaahay ayaana mahadda iska leh. Horumar kasta oo la gaaro waxaa sal u ah nabadda iyo isku duubnida," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Bulshada deegankan iyo guud ahaan Puntland waxay muujiyeen geesinimo, hawlkarnimo iyo sida shacabka Soomaaliyeed ay u gaari karaan guulo waaweyn haddi ay gacmaha is-qabsadaan. Guusha lagu hirgeliyey mashruucan waxaa iska leh Soomaaliya oo dhan".

Isaga oo hadalkiisa sii wata, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dul istaagay halganka isku tashiga ah ee ka socda guud ahaan dalka oo uu ugu horreeyo midka lagu cirib tirayo argagixisada Alshabaab oo isbaarada u dhigtay nolasha iyo horumarka dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu xusay in Soomaaliya xasilloon oo nabad iyo barwaaqo ah ay ku imaaneyso dalka oo laga xoreeyo khawaarijta Alshabaab.

Deegaannada dalka, dowlad-goboleedyada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ayuu ku waaniyey in ay ku tartamaan horumarka iyo wax-wada qabsiga, isagoo tilmaamay taageerada iyo mudnaanta dowladdu ay u siineyso mashaariicda isku tashiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gollaha Wakiillada Puntland oo Xubinimo ka qaaday Cabdirashiid Yuusuf Jibriil

Cabdirashid, oo dhowaan dib ugu soo noqday Puntland, ayaa lagu eedeeyey inuu khatar geliyey amniga guud ee Puntland.

  • Puntland

    15-07-2025

  • 12:42PM

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM