​Wakiil kasocda Garaad Saleebaan oo arrimaha doorashada Garowe loogu xiray

Image

GAROWE, Puntland- Waxaa maanta magaalada Garowe caasumadda Puntland lagu xiray nin lagu magacaabo Maxamed Garaad Saleebaan oo wakiil u ah Garaad guud ee Dhulbahante, kaasoo muddooyinkii dambe arrimo caafimaad ugu maqnaa dalka dibaddiisa.

Xariggan ayaa la xiriira labada Kursi ee beesha Ugaaryahan ka heshay Aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Somalia, waxaana wakiilnimada Garaadkaasi  si khasab ah ugu shaqaysanaya mudane katirsan Barlamanka Puntland oo lagu magacaabo Saadiq Abshir Gaaraad.

Wararka ku saabsan xarigaas ayaa sheegaya in loo malaynayo taallabadaas inuu qaaday Mudane Saadiq, kaasoo doonaya inuu musuq-maasuqo Ergada labadaas xubnood.

Saadiq Garaad ayaa taageero xoog leh ka helaya, sida ay sheegayso xogta soo gaartay Garowe Online, xubno katirsan guddiga doorashooyinka dadban iyo madaxweyne Gaas, madaama uu ninkan horjooge u yahay qayb katirsan mudanayaasha Dhulbahante ee ku jira Barlamanka Puntland.

Arrintan ayaa qayb ka ah ku tagrifalka awoodeed iyo handadaada ka jirta doorashada Aqalka hoose ee Somalia, waxaana qoraal kasoo baxay beesha caalamka iyo Hanti dhowraha Somalia, lagu cadeeyay in mas'uuliyiin katirsan dowladda Federaalka ee waqtigeedu dhammaaday iyo maamullada dalka ay u afduubantahay doorashada Aqalka hoose, kuwaasoo raadinaya inay booska gaystaan dad iyaga danahooda u adeega.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM