Caqabado "lasoo darsaya" hanaanka dimuqraadiyada Puntland

Image

GAROWE, Puntland – Caqabado horleh ayaa muuqanaya in ay soo food-saarayaan taabogelinta nidaamka dimuqraadiyada Puntland kaasoo haddii dowladda ay xal ka gaaristiisa ka cayaarin door siyaasadeed oo Weyne xagal-daacin karta dedaalada shacabka dib loogu celinayo in ay doortaan hogaankooda.

Sida uu fahansan yahay Garowe Online, caqabada ugu culus ee haatan soo wajahaya barnaamijkan waxaa ka mid ah; ku baraarugsanaan la'aanta ka imaaneysa dhanka dadweynaha – sida kamid noqoshadda ururada siyaasadda 10-ka ah ee uu diiwaan-geliyey guddiga ku meelgaarka ah, bixinta qaaraanka xubinimo oo aad u hoseysaysa iyo doorka dowlada ee qaraan ku bixinta socodsiinta barnaamijkaan socod baradka ah oo meesha ka maqan.

Ururada siyaasadda oo Sabtida maanta ah 8/05/2021 ku shiray xarunta hay'adda PDRC ee magaalada caasimada ah ee Garowe ayaa ka arrin-saday qadiyadahaan, waxayna isku raaceen sida muhiim u tahay latacaalida dhibaatadan.

"Wakiilada ururadda siyaasadda waxay hoosta ka xariiqeen in muhiim ay tahay in dowladda ay xoojiso doorkeeda ka qayb qaadasho sida barnaamijkaan ku hirgali lahaa. Maadaama ururadda ay kal hore soo buuxiyeen shuruudo aad u adag, haddii shacabku dareemaan in dowladda riixeyso barnaamijkan waxaa sare u kici doona wacyigooda ku aadan ka mid noqoshada ururada siyaasadda, in ay qaataan kaararka cod-bixinta iyo in ay soo baxaan maalinta coddeynta," ayuu yiri mid kamid ah ka qeybgaleyaasha kulanka oo la hadlay GO kana gaabsaday in la adeegsado magaciisa.

Bartamaha bishaan May sanadkan 2021 ayaa lagu waddaa in guddiga doorashooyinka ku meelgaarka ah ee Puntland uu ka bilaabo diwaan galin degmooyinka Ufeyn, Qardho iyo Eyl. Guddigu oo agabyada muhiimka ah u diyaarsan yihiin wuxuu ka fekerayaa in uu diiwaan-gelintu dhacdo xilli roobaadka madama dadka reer miyiga ah aysan ka guureyn degaanada ay ku dhaqan yihiin.

Bilowga barnaamijka dimuqraadiyeynta Puntland

Inkasta oo tan iyo markii la aas-aasay Puntland ay qorshaha kamid ahayd in shacabka ay soo doortaan hogaankooda, haddana dowladii sida buuxda ugu dhiiratey iney hirgeliso barnaamijkaan waxaa hogaaminayey Cabdiraxmaan Faroole. Hasa ahaatee, waxaa ka horyimid hirgalinta nidaamkaan siyaasiyiin iyo kooxo dano gaar ah leh.

Dowladdii Faroole ayaa sidoo kale diyaarisay dhamaan habraacyaddii Puntland uga dhici lahayd doorasho qof iyo cod ah kana mid tahay diyaarinta xeerarka.

Xukuumadii ka dambeysay ee uu horkacayey Cabdiwali Gaas ayaa lagu rajo weynaa in ay dhameystiri doonto. Balse, waa lagu hungoobay riyadaas.

Puntland waxaa ku midoobey shan gobol iyo degmadda Buuhoodle waxaa mabaadi'da lagu yagleelay ka mid ahaa in dowlad Federaalka ah ee Soomaaliyeed lagu sugo madaama nidaamkii dowladii dhexe horseedey bur bur.

Dib-u-curashada yididiilada qof iyo cod ee Puntland

Inkasta oo Puntland horumar badan sameysay tan iyo markii la aas-aasay, haddana waxaa la rumeysan yahay in gaabis badan uu ka jiro dhismaha hay’addaha dowliga ah si gaar ah hay’adda sharci-dejinta "sababtoo ah in wali qaab qabiil lagu soo xulo wakiilada shacabka halkii ay ahayd in aqoon lagu kala saaro musharaxiinta dooneysa in ay kamid noqoto hay’adda baarlamaanka".

Saciid Cabdullaahi Deni oo hogaanka Puntland qabtay 8-dii Janaayo 2019-kii ayaa dib-u-soo-celiyey yididiilada doorasho qof iyo cod ah oo maamulkan ka qabsoonto, isagoo bilaabay hirgelinta barnaamijkaan.

Guddiga ku meelgaarka ah ee doorashooyinka oo muddo kooban gudaheeda lagu magacaabay ayaa qabtay shaqooyin badan oo ay kamid yihiin; xoojinta xiriirka caalamka, diyaarinta shuruucda iyo diiwaan-gelinta ururada siyaasadda.

Deni ayaa dhowr jeer wuxuu kalsooni buuran ka muujiyey in xukuumadiisa ay Puntland ka saari doonto nidaamka qabiilka ah ee maamulku kusoo dhaqmayey in ka badan 21-kii sano ee aynu kasoo gudubnay.

Hasa ahaatee, caqabadaha haatan soo if-baxaya ayaa balanqaadkaas waxay ku noqon karaan jidgooyo haddii dowladda madaxwayne Deni aysan si wax ku ool ah wax uga qaban mushkiladahaas isla markaana ay taageero siyaasadeed oo baaxad weyn la garab-istaagin ururada siyaasadeed ee diiwaan-gishan kuwaas oo ka soo gudbey marxalado adag.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Go’aano laga soo saarey dhameystirka Dimuqraadiyadda Puntland

Qodobadan ayaa kasoo baxay shirka Golaha Wasiirada oo uu guddoomiyey madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni.

  • Puntland

    28-03-2024

  • 12:02PM

Faysal Cali Waraabe: Jabuuti baa nooga daran Soomaaliya

Xukuumada Jabuuti ayaa durtay heshiis beenaadkii ay gaareen Itoobiya iyo maamulka Somaliland.

  • Puntland

    28-03-2024

  • 11:46AM