Walidiintii carruurtooda lagu laayay Yemen oo hadlay

Image

GAROWE, Puntland- Qaar kamid ah waalidiintii ay carruurtoodu ku dhinteen weerarkii bishii hore ka dhacay dalka Yemen, ayaa cabasho xoog leh ka muujiyay qaabka loo wajahay kiiskaas iyo halka ay ku dambeeyeen dadkoodii.

Waaridiintan oo isugu jiray;  kuwo dhallaankoodu ku dhinteen duqayntaas iyo qaar dhalay kuwo dhaawac ah, ayaa sheegay inaan wali la'aasin dadkii maydka ahaa islamarkanaa dhaawacyadu aysan haysan daryeel fiican.

Waxay intaas ku dareen in xiriirka ay la leeyihiin dadkooda nool ay aad u liidato.

Waxay intaas ku dareen in mashaqadaas dhacday uga darantahay Maydka ku jira tallaagadaha oo aan wali la duugin.

Waxay codsadeen in laga caawiyo sidii ay maydkooda u aasan lahaayeen dhaawacyadoodan dib loogusoo wareejin lahaa.

Dhinaca kale, Axmed Cabdi Xasan (Suudaani) Qunsulka Safaarada Soomaaliya ee dalka Yemen oo la hadlayay warbaahinta gudaha ayaa ka marag kacay cabashada waalidiinta.

Qunsulka ayaa sheegay 31 ruux meydkooda inay ku jiraan talaagado, kuwaasi oo qorshaha uu yahay marka eheladooda la helo in la aaso, ka horna halkaasi ay ku jiraan.

Suudaani ayaa sidoo kale tilmaamay in 17 qof oo dhaawac ah ku jiraan cusbital islamarkaana xaaladoodu aad u liidanto.

Sidoo kale wuxuu sheegay intii ka soo hartay dadkaasi ee badbaaday inay ku xiran yihiin xabsi ku yaal magaalada Xudeyda oo ah goobta ay ka dhacday Duqeynta dadkaasi Soomaaliyed lagu laayay.

Cabashadan ayaa timid xilli muddo laga joogo weerarkii ka dhacay xeebaha dalka Yemen oo lagu weerary doon ay saarnaayeen dad shacab ah oo kusii jeeday dalka Suudan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM