Waqtiga doorashada gudoomiyaha Barlamanka Puntland oo la shaaciyay

Image

07 November, 2015(GO)-Qoraal ka soo baxay guddiga loo xil saaray doorashada gudoomiyaha Barlamanka Puntland ayaa lagu shaaciyay waqtiga la qaban doono doraashada.

Waxaa guddigu iclaamiyay in 19 bishan, maalin Isniin ah galinka dambe la qaban doono doorshada gudoomiyaha Barlamanka Puntland.

Inta laga warqabo, waxaa u sharaxan jagadan Gudoomiyaha Barlamanka Puntland, saddex xildhibaan oo kala ah; Axmed Cali Xaashi oo horay u soo noqday gudoomiyaha Barlamanka xilli xukuumaddi Cadde Muuse, Xildhibaan Cadixakiim Dhoobo-daareed oo jagadan markii labaad u sharaxan iyo Maxamed Axmed oo ka mid ah mudanayaasha Barlamanka Puntland.

Hadal haynta ugu badan deegaanada Puntland ayaa ah cidday dooran doonaan Xildhibaanada Puntland, ka dib is-casilaadii Siciid Xasan Shire.

Xukuumadda Puntland, ayaa dhinaceeda loolan ugu jirta, sidii loo dooran lahaa gudoomiye la jaan qaadi kara hawlaheeda, balse waxaa laga dhu-rsugi doonaa cidda ku soo baxda kursigan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM