WAR-SAXAAFADEED: Musharrax Jebiye oo ka warbixiyey socdaalkii uu kusoo maray gobollada Puntland

Image

Sida aad la socotaan, waxaan kowdii bishan Nofeembar ilaa 25tii safar ku kala bixiyey in badan oo kamid ah deegaannada Puntland, safarkaas waxaa igu weheliyey cuqaal, siyaasiyiin, suxufiyiin iyo waxgarad kale oo ka badan 120 qof. Safarkaas waxaan ugu magac darnay 'Tashi iyo Tabasho', ujeedadiisuna waxay ahayd in aan aragno oo dhegaysanno talooyinka bulshada iyo waxa ay tabanayaan, si aan gundhig uga dhigno asaaska isbeddelka aan rabno.

Waxaan la kulannay qaybaha kala duwan ee shacabka ku nool deegaannada: Galdogob, Godad, Gaalkacyo, Cagaaran, Bacaadweyn, Xarfo, Burtinle, Jalam, Garoowe, Dangoroyo, Qardho, Sheerbi, Xidda, Waaciye, Alxamdulillaah, Juurile, Laas-barwaaqo, Carta, Carmo, Ceeldaahir, Cawsane, Midigala, Rad, Gumar, Badhan, Dhahar ilaa xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso iyo qaar kale oo kamid ah deegaannada Puntland, iyadoo ay noo dhimman yihiin qaar kale oo aan booqan doonno haddii alle idmo.

Waxaan maanta soo bandhigayaa oo doonayaa in aan idinla wadaago warbixin ku saabsan safarkaygii qaatey mudada bisha ku dhow, ee aan ugu kuur gelaayey xaaladda dhabta ah ee Puntland iyo shacabkeeda. Waxaan safarkeygi kula kulmay xubno ka tirsan maamulka Puntland, saraakiisha ciidanka difaaca, saraakisha Booliska, Isimmada, Culimaa'uddiinka, Dhalinyarada, Haweenka iyo qaar kamid ah Siyaasiyiinta reer Puntland.

Waxaan booqannay muddadii aan socdaalka ku jirney xarumaha adeegga bulshada sida Isbitaalada, Iskuulada, Jaamacadaha, Xarumaha Daryeelka Bulshada iyo Xarumaha dhallinyarada. Waxaan booqannay meelo ay ka socdaan dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha ee dayacmay oo dadku isu xilqaamey in ay iskood u dhisaan, waxaan kale oo booqaney qaar kamid ah kastamyada lagu qaado cashuuraha, saldhigyada Booliska iyo meelo kamid ah fadhiyada ciidanka difaaca Puntland. Goobaha aan booqaney waxay ku kala yaaliin laga soo bilaabo Galdogob ilaa Boosaaso ilaa Badhan.

Haddaba waxaan rabnaa in aan soo bandhigno qodobo kamid ah waxyaabihii ay noosheegeen bulsho-weynta reer Puntland ee aan shirarka guud iyo midka gaar ahaaneedba la qaadaney iyo wixii aan dhaayahayaga ku soo aragney oo aan markhaantiga ka nahay. Waxaan xaqiijinay in ay Puntland ka jirto dhibaatooyin siyaasadeed, dhaqaale, adeeg bulsho iyo amni.

1) Bulshada reer Puntland waxay noo sheegeen in maamulka iyo siyaasaddu aaney dalka wada gaarin, in aan hoos loo daadejin maamulka oo uu ku kooban yahay magaalooyin gaar ah, Puntland iyada ayaa ku dhisan nidaam federaal laakiin kama muuqato, siyaasadda iyo maamulku ma wada gaarin deegaanada Puntland.

2) Bulsho-weynta reer Puntland waxay noosheegeen in Puntland ay labaatan jirsatey, laakiin ay tahay nasiib darro bulshadu aysan codkeeda wax ku dooran karin ee weli lagu jiro nidaamka wax-qaybsiga beelaha taas oo aan dowlad-wanaaga meel ka soo gelin. Maamulka hadda jira oo ballan qaadey in nidaamka siyaasadda wax ka qabanayo ayaa ku fashilmey hirgelinta isbeddel siyaasadeed.

3) Bulsha weynta reer Puntland waxay noo sheegeen in maamulka hadda talada haya ee uu madaxeynaha ka ahay Cabdiweli Cali Gaas ku howlan yahay bur-burinta nidaamka siyaasadeed ee degmooyinka sida goloyaasha deegaanka, kuwaas oo lagu dhisey si dhib badan laakiin si sharciga ka baxsan Madaxweynuhu wareegtu ugu kala diro, taas oo horseed u ah maamul xumada dalka ka jirta iyo ku takri falka

awoodda.

4) Gabdhaha reer Puntland waa ku dulman yihiin maamulka hadda jira, kamana aysan helin metalaad rasmi ah marka la eego Xukuumadda Cabdiweli Cali Gaas soo dhisey ee ku dhaw 60 wasiir muddadii shanta sano ahayd ee uu xilka ay hayey, haddaba haddii Madaxweyne Cabdiweli Gaas ku fashilmay in xukuumadda ku jirtey gacantiisa uu gabdhaha ka siin waayo 30%, sidee ayuu baarlamaan aan gacantiisa ku jirin uga dooni karaa, odoyaasha dhaqanka waxaan ugu baaqeynaa in ay tixgelin siiyaan gabdhaha, si ay qayb uga noqdaan barnaamijka siyaasadeed. Waxaase nasiib darro ah in Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas ku dhiirado hadalo iska horkeenaya odoyaasha dhaqanka iyo gabdhaha sharafta leh, taas oo ah mid aan qaban dhaqankeena iyo sharafta gabdhaha.

5) DHAQAALAHA: Dadweynaha reer Puntland ee aan socdaalkaygii kula kulaney ayaa noo sheegay in xaaladda dhaqaale ee Puntland ay marayso halkii ugu liitey ee abid soo marta, waxaa maalinba maalinta ka danbeysa albaabada loo xiraa goobo ganacsi, waxaa dalka isaga guurey in badan oo kamid ah ganacsatada, kadib markii culeys soo wajahey, kaas oo khatar geliyey hantidooda iyo naftooda.

6) Bulsho-weynta reer Puntland ee aan shirarka la qaadaney waxay noo sheegeen in maamulka hadda jira markii uu sanad xilka hayey uu la yimid makiinad samaysa lacagta faalsada ah, taas oo keentey burbur dhaqaale, sicir barar iyo in noloshu adkaatey waxaana ay codsadeen in lagula xisaabtamo cidkasta oo ka danbeysey in ay lacagta adag ee reer Puntland haysteen kula wareegaan lacag faalso ah oo si sharci darro ah loo daabacay. Sameymta lacagta faalsada ah ayaa sameyn ku yeelatey danyarta ka ganacsata khudaarta, hilibka, caanaha iyo dadka muruq-maalka ah.

7) Shaqo la'aata da'yarta reer Puntland iyo dhaqaalaha dalka ee sida weyn hoos ugu dhacaayey afartii sano ee u danbeysey ayaa sababay in ay dalka isaga haajiraan naftoodana ku biimeeyaan hirarka iyo mawjahada baddaha u dhexeeya Waqooyiga Afrika iyo Koonfurta Yurub.

8) AMNIGA: Amnigu waa waxa ugu qaalisan ee qofka bini'aadamka ah haysto marka laga yimaado caqiidada Islaamka, Amniga guud ee in badan oo kamid ah deegaanada Puntland waxaa la dhihi karaa waa wanaagsan yahay, laakiin waa mid ku yimid dedaalka madaxdhaqameedka iyo is-xilqaanka shacabka, kaas oo ku shaqeeya xeerarka qabaa'illada iyo shareecada islaamka.

9) Amniga ayaa loo qaybiyaa labo midka gudaha iyo sugidda xuduudaha, bulsho-weynta reer Puntland ee Galdob ilaa Boosaaso ilaa Badhan waxay noo xaqiijiyeen in ciidan Boolis oo shaqeyaa aanu jirin, saldhigyada qaarkood maba lahan adeegii ciidanku ku shaqeyn lahaa, sida gawaarida waxa taas dheer in ciidamada amniga sugi lahaa aysan qaadan wax mushahar ah labadii sano ee la soo dhaafey.

10) Amniga iyo caddaaladu waa labo mataano ah oo isku xiran, waxay bulshadu noo sheegeen in goobihii caddaaladu ay yihiin kuwo xidhan oo albaabada loo laabey, sababta u weyn ayaa ah in maamulka hadda jiraa uu la imaan waayey isbeddel wanaagsan oo wax looga qabto caddaaladda iyo garsoorka, waxaa xaalada sii xumesyey markii uu bixin waayey oo ku fashilmey xuquuqdii laamaha caddaalada iyo garsoorka, si lamid ah laamaha sugidda amniga. Bulshadu waxay noo sheegeen in ay u caddaalad iyo garsoor u doontaan nidaamka beelaha iyo odoyaasha dhaqanka.

11) Maamulka hadda jiraa waxa uu ku fashilmey kala hormarinta bixinta xuquuqda hay’adaha dowladda, marka la helo dhaqaalaha yar ee soo xerooda, halkii loo hormarin jirey sugidda amniga gudaha iyo garsoorka ayaa laga hormariyey kuwii u danbeyn lahaa iyo fadlanta, taas oo sababtey in caddaaladii iyo amnigii gudaha faraha ka baxeen.

12) Ciidamada difaaca Puntland ee aan booqaney ayaa noo sheegay in labadii sano ee la soo dhaafey laba bilood oo keliya ay ka heleen mushahar, waa aabayaal geesiyaal ah oo ay ku xiran yihiin caruur iyo xaasas, kuwaas oo maamlku ku fashilmey in ay siiyaan xuquuqdooda asaasiga ah.

13) ADEEGA BULSHADA: Bulsho kasta waxay maamulkeeda ka filataa in ay ka helaan adeeg bulsho heerkasta ha gaarsiisnaado, Bulsho-weynta reer Puntland waxay noo sheegeen in ay tabanayaan daboolid la'aanta baahida asaasiga ah ee arrimaha bulshada, sida daryeelka caafimaadka, waxbarashada, biyaha, nadaafadda, daryeelka dadka nugul sida agoomaha iyo danyrata aan laheyn dakhliga.

14) Inbadan oo kamid ah waddooyinkii aan safarka ku marney ayaa ah kuwo burbursan, waxaa nasiib darro ah in Puntland ay soo martey

fursaddii u weyneyd abid taas oo Midowga Yurub ku bixin lahaa $23 milyan oo dollar in dib loogu dhiso wadada isku xirta Garoowe Gaalkacyo, oo ay maraan inta badan xoolaha ka dhoofa Soomaaliya gaar ahaan dekadaha Boosaaso iyo Berbera, nasiib darro wadadaas ayaa inteeda badan noqotey habaas aan waxba ka jirin, waxaana maamulku ku fashilmey in ay masuuliyad iska saaraan taabbo-gelinta mashruucaas weyn.

TALLAABOOYINKII AAN QAADNEY

Kadib markii aan aragney baahida ay magaalo kasta noo soo gudbisey taas oo ahayd xaalad adag oo aan laga gudbi karin oo u baahan wax ka qabasho deg-deg ah, ayaan Boqolaal kun oo dollar oo kamid ah hantideyda gaarka ah ku bixiney si niyadda bulshadu u sii noolaato adeeguna u sii jiri karo, waxaan deeq lacageed ku bixiney goobaha waxbarashada, sida iskuulada iyo Jaamacadaha, goobaha caafimaadka, laamaha amniga, xarumaha daryeelka bulshada, dayactirka waddooyinka, goobaha dhallinyrada sida dhismayaasha garoomada iyo xarumaha ay isugu yimaadaan, nabadeynta beelaha sida colaadii ka dhacdey Dhumay iyo xalinta colaadii ka dhacdey Taleex muddo 6 sano ah ka hor. Deeqda lacageed ee aan bixiney ayaa ahayd mid dab-demis ah oo aan sugi karin wakhti kale.

Haddaba waxaa xusid mudan in miisaaniyadda Puntland ay ku jiraan laba madax oo kala ah Daryeelka Bulshada iyo madaxa hormarinta , labadaas madax, lacagtooda ayaan gaarin halka loogu tala galey, waxaana la is weydiinayaa cidda ay jeebkooda ku dhacdo lacagtaas, sidaas darteed waxaan ku khasbanaaney in aan wax ka qabano labadaas baahiyood ee daryeelka bulshada iyo hormarinta adeega bulshada, waxaa taas dheer in aan ciidamada difaaca ku bixiney dhaqaale yar oo aan ku dhiiri gelineyno in ay dhufeyskooda ku sii jiraan inta aan talada dalka wax laga qabanayno.

TALO SOO JEEDIN

Maadaama Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas in badan oo kamid ah himmilooyinkii loo doortey ku fashilmey sida koboc dhaqaale, sugid amni, adeeg bulsho, soo celinta dhulalka Puntland laga haysto iyo nidaamka xisbiyada badan ayaan u soo jeedineynaa:

1. Markaan dhegaysaney shacabka iyo beelaha in badan oo kamid ah deegaanada Puntland waxay no sheegeen in madaxweyne Cabdiweli Cai Gaas faro gelin ku hayo soo xulida Xildhibaanada sidaas darteed waxaan ugu baaqeynaa in uu faraha kala baxo beelaha soo xulaya Xildhibaanada, una madaxbaneeyo qofka ay doonayaan.

2. Waxaan uga digeynaa Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas in aanu isku koobin dhismaha guddiga xalinta khilafaadka, ma jirto sharci iyo qodobo dastuuri ah oo uu ku heli karno dhismahooda, sidaas darteed, dhismaha guddi kasta oo uu isku dayo in ay u adeegaan danihiisa gaarka ah, waxay noqonayaan kuwo aan shaqeyn, dalkana jaah-wareer gelin kara. Guddiga xalinta khilafaadku waa in u noqdaa kuwo dhex-dhexaad ah raali ay ka yihiin labada dhinac leh waayo aragnimo, karti, iyo xilkasnimo, ma ahan mudane in aad samaysid wixii aad diidey shan sano kahor.

3. Mudada yar ee xilka uga hartey saaxiibkey Cabdiweli Gaas waxaan ugu baaqeynaa in uu xil iska saaro ilaalinta hantida dowladda oo ay bilaabatey in lala baxsado.

Markaan aragney bulsho-weynta reer Puntland laga soo bilaabo Galbeed ila Bari cabashooyinkoodi, maamulka hadda jira waxaa la gudbooneyd in ay shacabka u cudur-daartaan, kana hor leexdaan. ENOUGH IS ENOUGH.

ISIMADA IYO HOGGAAMIYAASHA DHAQANKA: Isimada Puntland waa marjaca iyo bud-dhigaha Puntland, sidaas darteed dalku waxa uu marayaa xaalad aad u qalafsan, waxaa waajib ka saaran yahay in ay qaataan doorkooda ku aadan mustaqbalka Puntland, waxaa habboon in ay meel iska dhigaan kala aragti duwanaanshaha ay sababeen maamuladii dalka soo marey, meelna looga soo wada jeesto danta guud ee Puntland.

SHACABKA PUNTLAND: Marka la eego xaaladda Puntland waxaa la dhihi karaa ALAMTARA SOO DHAAFTEY, abaaraha, colaada, burburka dhaqaale, musuq-maasuqa, caddaalad darrada, iyo amni-xumada, sidaas darteed waa in shacabku qiimaayaa cidda xukunka qabanaysa oo aan lagu aaminin cid kasta, haddii la doonaayo Puntland in ay sidaas sii ahaato waxaa la dooranayaa kuwii halkaa dhigey oo dhaxal-siiyey qaharka iyo dhibaatada ka muqata maanta oo meel kasta oo la taabtaa ay tahay nabar iyo boog, kuwii amniga dayacay ee ka dhigtey sida mashruuc aan dhammaan oo lagu tanaado iyo kuwa lagu bartey kala qaybinta, eexda iyo lunsashada hantida dadweynaha.

XILDHIBAANADA CUSUB EE GOLAHA WAKIILADA: Xildhibaan sida ka muuqata magiciisa waa masuuliyad aad u culus, waxkasta oo dalkaani soo marey waa taariikh qorantey oo la og yahay maanta waxaad haysataan fursad kale oo lagu sixi karo wixii inaka khaldamey sidaas darteed waxaa waajib ah in aad ku shaqeysaan rabitaanka shacabka aad meteshaan ee idin soo xushey, bud-dhig u noqotaan badbaadinta Puntland iyo taabbo-gelinta himmilooyinkii lagu fashilmey gaaritaankooda.
 
Aragti Guud: Ugu danbeyntii safarkaygii dheeraa ee gobolada Puntland, shirarkii kala duwanaa ee aan la qaadaney bulsho weynta reer  Puntland, talooyinkii iyo tabashooyinkii ay soo gudbiyeen, waxaan diyaariney barnaamijkii aan dalka ku hagi lahayn Puntland ugu horseedi lahayn geedi barwaaqo, u furi lahayn ibihii gaaxdey, dalkuna u qaadi lahaa dhabbaha horumarka kaas oo ka bilaamaya Day One 9.01.2019 ma ahan mid meel fog laga dooni doono ama markaas la diyaarin doono, taasna waxaa xaqiijin kara Xildhibaanada Puntland ee shacabku iska soo xuleen.
 
Wabillaahi Towfiiq

Related Articles

Booliska iyo Shacabka Puntland oo dood adag ay dhexmartey

Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

  • Puntland

    26-04-2024

  • 08:19AM

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM