Waran Cadde: "Aloore wuxuu caqabad ku yahay wada-hadalka"

Image

February 2, 2015 (GO)- Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-Cadde ayaa si kulul u dhaleeceeyey Wasiirka Amniga Puntland Xasan Cismaan Aloore.

Waran-Cadde oo maanta shir-jaraa'id magaalada Berbera ku qabtey, wuxuu sheegay in Xasan Alloore caqabad ku yahay wadahadalka u socda Puntland iyo Somaliland iyo weliba cilaaqaadka u dhexeeya labada dhinac.

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland si cad uma tilmaamin in wadahadalka uu sheegayaa yahay mid qarsoodi ah oo u dhexeeya Puntland iyo Somaliland iyo inuu ula jeedo wada-xaajoodka u soocda Dowlada Federaalka iyo Somaliland, maadaama Puntland tahay qayb kamid ah Dowlada Federaalka.

"ninka Garowe ka hadlay daraato wuxuu waxyeelo weyn ku yahay wada-hadalkii naga dhexeeyey anaga iyo Puntland, wuxuuna u egyahay nin aan u warhaynin xataa siyaasadda dowladiisa, wuxuuna u muujiyey umada reer Somaliland cadaawad aad u fool xun..." 

Wasiirka Amniga Puntland Xasan Cismaan Alloore oo Jimcihii lasoo dhaafay magaalada Garowe shir-saxaafadeed ku qabtey, wuxuu Somaliland ku eedeeyey inay gacansaar dhow la leedahay kooxaha Al-shabaab ee ku dhuumaaleysta buuraleyda Golis.

Wuxuu sidoo kale sheegay in hubka Berbera soo gaarey si toos ah ugu socdey Somaliland, suuragalna ay tahay in qaar kamid ah loo soo gudbiyo Al-shabaab.

Somaliland oo dhankeeda ka jawaabtey eedaymaha uga yimid Puntland, waxay ku tilmaantay inay yihiin kuwo been abuur ah oo haba yaraatee aanay waxba ka jirin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM