Warar dheeraad ah: Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan dalka China

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland oo la filayo in maanta 25 Nov, 2016   u duulo dalka Ethiopia ayaa sida warsidaha Garowe Online fahansan yahay wadankaas uga sii gudbi doona wadanka China.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland caawa  ka dhoofi doono magalada Addis Ababa isagoo halkaas uga sii duuli doona wadanka China magaaladiisa Shangahai.

Gaas ayaa safarka waxaa ku weheliya sida caadiga aheyd wasiirkiisa ganacsiga, wasiiru dowlaha kaluumeysiga, agaasime ku xigeenka hay'ada shidalka taasoo hoos timaada xafiiska Cabdiweli Gaas iyo xogheyn ka tirsan xafiskiisa.

Safarka madaxweynaha ayaa wararka GO soo gaaraya sheegayaan in uu la xiriiro kulamo uu la yeelanayo shirkado kaluumeysi iyo kuwo shidaal oo laga leeyahay dalka China kuwasoo wadahadal uga socdey bilihii u dambeeyey magalada Addis Ababa.

Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in  madaxwynaha Puntland shirkadahaas ku cadaadinayo iney maalgalin ku sameeyaan  dekad laga dhiso tuulada Garacad ee ku taal gobolka Mudug.

Mudane Gaas oo muddo kulamo uga socdeen madaxda shirkadaan  dalka Ethiopia ayaa warbixntii uga dambeeysay ee uu siiyey Barlamanka Puntland aan soo hadal qaadin halka ay marayaan wadahadaladaan iyo iney jiraan gabi ahaanba xiriiro noocaan ah. 

Barlamanka Puntland ayaa furitaanka kalfadhigiisa 38aad su'aalo ay waydiiyeen Madaxweyne Gaas ku eedeyey in safarada is dabajoog ah ee uu ku aado wadanka dibadiisa yihiin kuwo aan Miro dhal aheyn mudadii sadaxda sano aheyd isla markaana soo kordhiyaan kharash badan.

Safarka Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale ku soo aadaya xilli wadanka ka jiraan abaaro ba'an kuwasoo sababey dhimasho iyo xoolaha oo ka dhamadey dadka reer guuraaga ah.

Warbixin ku saabsan safarkaan iyo khilaafka  shaqo ee ka jira hay'ada shidalaka iyo macdanta Puntland kala soco wararkeena dambe.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM