Wararkii ugu damabeeyay Shirka Garowe [Qodobada loo gorfeeyay]

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Waxaa maalintii 3aad galey wadahadalka u dhexeeya madaxda maamulada Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka kaasoo habeenkii xalay goor dambe la isla gaarey.

Illo xog ogaal ah ayaa u dusiyey warsidaha Garowe Online in xalay isla qaatay; in Dowlada Federaalka ah ay hakiso sharciyada Batroolka, doorashooyinka iyo xisbiyada.

Xogta ayaa intaasi ku dareysa in sharciyada Bartoolka iyo Doorashooyinka Qaranka oo ay xukuumadu meel-marisay aan la horgeyn doonin Aqalka Hoose inta xal siyaasadeed laga gaarayo.

Kulankaan oo galabta la sheegey in la isugu soo noqonayo ayaa ajandaha ugu sareeya waxaa uu yahay in la xaliyo khilaafka u dhexeeya maamulka Galmudug iyo Villa Soomaaliya.

Xeerka Bartoolka ayaa lagu waday in Isniintii la horgeeyo Golaha Shacabka, balse fadhiga wuxuu u baaqday Kooram la'aan markii ay soo xaadiri waayeen tirada uu ku furmi lahaa.

Kulanka wadatashiga ee Garowe uga socda hogaamiyeyaasha siyaasada Soomaaliya ayaa la rajeynayaa in lagu xaliyo khilaafka waayadii ugu dambeeyey u dhexeeyey madaxda dowlada federaalka iyo maamuladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM