​Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Nugal

Image

Wararka Warsidaha Garowe Online ka helayo dagaalka kasocda deegaanka Suuj ee gobolka Nugal, ayaa sheegaya in deegaankaasi laga maqlayo daryanka madafiic xooggan oo goobta ka dhacaysa, waxaana xiriir aan lasamaynay qof ka ag dhaw deegaanka uu dagaalku ka dhacay noo sheegay rasaastii shalay bilaabatay dhawaqeedu yaraaday islamarkaana aan la ogaan karin xaaladda rasmiga ah.

Warar madax banaan oo aan sidoo kale goobta ka helnay ayaa sheegaya in go'doon la galiyay dhammaan mallayshiyaadka goobtaasi ku sugnaa islamarkaana aysan jirin waddo u furan marka laga reebo dhinaca badda.

Waxaa sidoo kale la sheegay inay jiraan khasaaro xooggan oo loo gaystay iyadoo lagu soo waramayo haraadiga goobta kusuganay inaysan haysan quud iyo biyo taasina kor u qaadi karto khasaaraha nafeed ee kooxdaasi loo gaystay.

Dhinaca kale wararka aan ka helayno degmada Godob-jiraan, ayaa sheegaya in xaaladdu dagantahay, balse la xanibay mallayshiyaadkii halkaasi joogay iyado dhammaan waddooyinkii u furnaa xireen ciidamada Puntland, waxaana laga soo sheegayaa inay lasoo daristay kooxdaasi Shabaab la xiriirinayo xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

Xiriiro kala duwan oo dhanka saraakiisha ciidamada iyo dowladda aan la samaynay ayaana suura galin inaan helno xaqiiqada rasmiga ah, balse waxay qabtood sheegeen in dagallaadii dhacay guulo kasoo hoyiyeen ciidamada difaaca Puntland.

Kooxda Al-Shabaab oo mallayshiyaadkan lala xiriirinayo kama hadlay dagaalka Puntland ka dhacay.

Magaalooyinka waaweyne iyo guud ahaanba Puntland, waxaa kasocda diyaar garow iyo gurmad xooggan oo salka ku haya howlgalka lagula jiro mallayshiyaadka taabacsan kooxda Shabaab.

Dagaalkan ayaa xukuumaddu sheegtay inay kusoo afmeerayso muddo ku siman 72-saacadoo, halka Madaxweyne Gaas uu sheegay in Puntland isaga filantahay cadow kasta oo doonaya inuu wax u dhimo amnigeeda.

Maaha markii ugu horaysay ee dowladda Puntland dagaal lagasho mallayshiyaad katirsan kooxda Shabaab, balse waxay noqonaysaa markii ugu horaysay ee lagu dagallamayo mallayshiyaadkaasi gobolka Nugal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM