​Wararkii ugu dambeeyay degmada Qandala

Image

BOSASO, Puntland- Ciidamada Puntland, ayaa kusii dhawaanaya degmada Qandala ee gobolka Bari, halkaas oo muddo ka badan bil ay haystaan mallayshiyaad sheegtay inay taabacsanyihiin kooxda Argagixisada ah ee Daacish.

Iska horimaadyo goosgoos ah ayaa wararku sheegayaan inay labada dhinaca ku dhexmaray dhulka buuralayda ah ee Koonfurta kaga beegan magaalada Qandala.

Wararku waxay intaas ku darayaan in ciidamada difaaca Puntland maanta gacanta ku dhigeen  goob fariisin u ahayd maleeshiyada Daacish.

Dagaalkii goos gooska ahaa, ayaa lagusoo waramayaa inuu hakaday, ciidamaduna wadaan qorshe horay ugu sii soconayaan iyagoo baaritaan kuwada goobaha buuraha ah iyo sidoo kale waddooyinka gala Qandala.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkii maanta, balse waxaa lagusoo waramayaa inay xaaladdu iminka dagantahay.

Saraakiisha ciidamada Puntland ayaa GO u sheegay in gaari nooca raaxada ah oo la sheegay inay lahaayeen kooxdaasi maanta gacanta lagu dhigay.

Tafaasiil dheeraad ah lagama bixin sida loo qabtay iyo waliba halka uu ku socday xilliga ciidamada gacanta ku dhigeen.

Isgarsiinta ayaa wali ka maqan degmada Qandalada iyo nawaaxigeeda, waxaana adag in xiriiro toos ah lala yeesho ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanka ee halkaas ku sugan.

Ilaa hadda majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda iyo saraakiisha ammaanka.

Goor sii horaysay taliyaha ciidamada Badda ayaa sheegay in 50KM oo qura ay u jiraan degmada Qandala ee gobolka Bari.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM