Wararkii ugu dambeeyay dilka Muwaadiniinta Itoobiya ee Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland - Rag ku hubeysan Bastoolado ayaa bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ku dilay saddex ruux oo u dhalatay Itoobiya, iyadoo hal ruux oo kale ay ku dhaawacmeen weerarka.

Saraakiisha amaanka Boosaaso ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in gacan ku dhiiglayaasha falkaan ka dambeeyay ay goobta ka baxsadeen saacado kahor inta aysan imaanin hay'addaha nabad-gelyadda.

Kooxda hubeysan, oo aan la garaneynin cida ay katirsan yihiin ayaa weerar ku qaadey dadka kasoo jeeda Itoobiya xilli ay fadhiyeen goob ganacsi xalay fiidkii, halkaasi oo lagu toogtey saddex kamid ah dadkaasi.

Ma jiro cid sheegatay mas'uuliyadda falkaan, balse, qoraal lasoo dhigay barta Twiitter-ka ayaa Daacish ku sheegatay inay ka dambeysay falkan dadkan Itoobiyaanka ah lagu beegsaday.

Dilkaan kusoo aadaya xili todobaadyadii u dambeeyay ay martigelineysay Boosaaso falalka lidka ku ah amniga iyo dilal qorsheysan, kuwaasi oo laamaha amaanka aysan illaa iyo haatan cidna usoo qaban.

Boosaaso oo maamuladii isaga kala dambeeyay Puntland ay ahayd xaaladeed mid nabad-gelyo ah ayaa tan iyo markii uu yimid midka Cabdiwali Gaas waxaa kusoo kordhayey dilalka qorsheysan iyo weeraro argagaxiso.

Cabdiwali Gaas ayaa labo maalin kahor kasoo tagay Boosaaso, iyadoo meel ku dhaw xarunta maamulka magaalada lagu dilay Askari kamid ahaa ciidamada ilaalada madaxtooyadda Puntland, halka mid kale lagu dhaawacay weerar koox hubeysan ku qaadey xilli meel laga dukaameysto ay ku sugnaayeen.

Amaanka ayaa kamid ah waxyaabaha ugu waa wayn ee uu ku fashilmey maamulka haatan jira oo muda xileedkiisa uga hartay 3 bilood, waxaana mudadii uu xafiiska joogey degaanada Puntland ku xoogeysatay kooxaha argagxisadda ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo heegan sarre gelisay ciidamadda milatariga

Taliyaha ciidamada difaaca dawlada Puntland General Aadan Cabdi Xaaji ayaa askarta u sheegay in ay u diyaar-garoobaan “shaqooyin qorsheysan”.

  • Puntland

    07-05-2024

  • 03:26AM

Puntland iyo Hay'adda FAO oo ka shiray xoojinta xiriir wadashaqeynta

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgaley xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda Puntland.

  • Puntland

    06-05-2024

  • 01:08PM