Wararkii ugu dambeeyay xaalada magaalada Boosaaso

Image
Garowe Online ayaa la hadlay illo wareedyo kala duwan si uu u helo xogtii ugu dambeysay.

BOOSAASO, Puntland – Ciidamada dowlada Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgalo lagu xaqiijinayo ammaanka waxay ka sameeyeen qaybaha kala duwan ee magaalada Boosaaso xarunta gobolka Bari.

Dhaqdhaqaaqyadan ciidan ayaa daba socda go’aan ay dowladdu soo rogtay oo ah in aan wax isu-socod gaadiid ah uusan jiri karin wixii ka dambeeya labadda fiidnimo illaa lixda aroornimo.

Gaadiidka isaga kala gooshaya magaalada ayaa lagu hakinayaa kontaroolada laga soo galo waxaana la fasayaa subaxdii, sida ay Garowe Online u sheegeen illo wareedyo aad loogu kalsoonaan karo.

Warbixinadda laga helayo illo wargal ah ayaa intaas ku daraya in dowladda ay talaabaddan uga dan leedahay in ay xaqiijiso waxa soo galaya kana baxaya magaalada.

Dhanka kale, qaar kamid ah isimadda Puntland ayaa la filayaa in maanta ay Qardho kula shiraan hogaanka xilka laga qaadey ee hay’adda PSF kuwaasoo ay u gudbinayaan fariinta dowladda oo ah xil wareejinta.

Gogosha fidsamaysa xarunta gobolka Karkaar ayaa qayb ka ah dedaalo maalmihii lasoo dhaafay socdey oo xal loogu raadinayey xiisada ka dhalatay diidmadda hogaankii hore ee PSF kala hor-yimid isbedelka.

Puntland oo uu ka jiro nidaam dowladeed oo 23-sano jir ah ayaa dhaqanka wuxuu uu door weyn ku leeyahay xal u helida arrimaha noocaan ah iyadda oo mas’uuliyiinta ay had iyo goor u hogaan-samaan sarreynta sharciga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM