Wararkii ugu dambeeyay xaalada magaalada Boosaaso

Image
Garowe Online ayaa la hadlay illo wareedyo kala duwan si uu u helo xogtii ugu dambeysay.

BOOSAASO, Puntland – Ciidamada dowlada Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgalo lagu xaqiijinayo ammaanka waxay ka sameeyeen qaybaha kala duwan ee magaalada Boosaaso xarunta gobolka Bari.

Dhaqdhaqaaqyadan ciidan ayaa daba socda go’aan ay dowladdu soo rogtay oo ah in aan wax isu-socod gaadiid ah uusan jiri karin wixii ka dambeeya labadda fiidnimo illaa lixda aroornimo.

Gaadiidka isaga kala gooshaya magaalada ayaa lagu hakinayaa kontaroolada laga soo galo waxaana la fasayaa subaxdii, sida ay Garowe Online u sheegeen illo wareedyo aad loogu kalsoonaan karo.

Warbixinadda laga helayo illo wargal ah ayaa intaas ku daraya in dowladda ay talaabaddan uga dan leedahay in ay xaqiijiso waxa soo galaya kana baxaya magaalada.

Dhanka kale, qaar kamid ah isimadda Puntland ayaa la filayaa in maanta ay Qardho kula shiraan hogaanka xilka laga qaadey ee hay’adda PSF kuwaasoo ay u gudbinayaan fariinta dowladda oo ah xil wareejinta.

Gogosha fidsamaysa xarunta gobolka Karkaar ayaa qayb ka ah dedaalo maalmihii lasoo dhaafay socdey oo xal loogu raadinayey xiisada ka dhalatay diidmadda hogaankii hore ee PSF kala hor-yimid isbedelka.

Puntland oo uu ka jiro nidaam dowladeed oo 23-sano jir ah ayaa dhaqanka wuxuu uu door weyn ku leeyahay xal u helida arrimaha noocaan ah iyadda oo mas’uuliyiinta ay had iyo goor u hogaan-samaan sarreynta sharciga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM