Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland - Gaadiidka dagaalka ayaa loo diiday inay galaan magaaladda Boosaaso, ee xarunta gobolka Bari halkaasoo mudooyinkii dambe ay xiisad ka taagan tahay, taasoo ka dhalatay xilka qaadistii agaasimaha PSF Maxamuud Cismaan Diyaanno.

Wararka ayaa sheegaya in go'aankan uu kasoo baxay madaxda sare ee dowladda Puntland, si looga hortago in Ciidan taabacsan agaasimaha xilka laga qaadey inay galaan magaaladda, oo hadda ka socdaan dadaallo khilaafka jira lagu xalinayo.

Gaadiidka Ciidamada ayaa lagu celinayaa halka loo yaqaano Carmo oo qiyaastii 100KM u jirta magaalada Boosaaso, halkaasoo ay ku sugan yihiin Ciidamada amaanka Puntland.

Dad kala duwan oo ku sugan Boosaaso, ayaa u sheegay Garowe Online in Askar badan ay kasoo baxeen dhinac kahor yimid xilka qaadista Agaasimaha, islamarkaana ay dowladda dib ugu soo biireen.

Xogo hoose oo Garowe Online helay ayaa sheegaya in Wasiiro katirsan Xukuumadda Deni ayaa xiriiro la sameynayaan hogaankii xilka laga qaadey ee PSF, iyadoo dhinac kale madax dhaqaameedka ay leeyihiin kulamo la doonayo in qaab nabad ah lagu dhameeyo xaaladda taagan.

Boosaaso waxaa maalmihii lasoo dhaafey ka jirey dareen cabsi kadib markii Ciidan iska soo horjeeda ay magaaladda difaacyo ku kala saemysteen, oo xaaladda ay noqotay mid aan caga badan ku taagnayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM