Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland - Gaadiidka dagaalka ayaa loo diiday inay galaan magaaladda Boosaaso, ee xarunta gobolka Bari halkaasoo mudooyinkii dambe ay xiisad ka taagan tahay, taasoo ka dhalatay xilka qaadistii agaasimaha PSF Maxamuud Cismaan Diyaanno.

Wararka ayaa sheegaya in go'aankan uu kasoo baxay madaxda sare ee dowladda Puntland, si looga hortago in Ciidan taabacsan agaasimaha xilka laga qaadey inay galaan magaaladda, oo hadda ka socdaan dadaallo khilaafka jira lagu xalinayo.

Gaadiidka Ciidamada ayaa lagu celinayaa halka loo yaqaano Carmo oo qiyaastii 100KM u jirta magaalada Boosaaso, halkaasoo ay ku sugan yihiin Ciidamada amaanka Puntland.

Dad kala duwan oo ku sugan Boosaaso, ayaa u sheegay Garowe Online in Askar badan ay kasoo baxeen dhinac kahor yimid xilka qaadista Agaasimaha, islamarkaana ay dowladda dib ugu soo biireen.

Xogo hoose oo Garowe Online helay ayaa sheegaya in Wasiiro katirsan Xukuumadda Deni ayaa xiriiro la sameynayaan hogaankii xilka laga qaadey ee PSF, iyadoo dhinac kale madax dhaqaameedka ay leeyihiin kulamo la doonayo in qaab nabad ah lagu dhameeyo xaaladda taagan.

Boosaaso waxaa maalmihii lasoo dhaafey ka jirey dareen cabsi kadib markii Ciidan iska soo horjeeda ay magaaladda difaacyo ku kala saemysteen, oo xaaladda ay noqotay mid aan caga badan ku taagnayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM