Wararkii ugu dambeeyey dadaallada nabadeynta ee Galkacayo

Image

December 1, 2015 (GO)- Ergada dhex-dhexaadinta Puntland iyo Galmudug ayaa ku guuleystey wejiga koowaad ee wadahadalka, kadib markii labada dhinac ogolaadeen heshiis hordhac ah oo afar qodob ka kooban.

Qodobada lagu heshiiyey ayaa kala ah: in xabad-joojin rasmi ah la sameeyo, in lakala qaado ciidamada isku hor fadhiya goobihii dagaalladu ka dheceen, in la dhiso guddi wadahadal oo labada dhinac ka kooban, iyo in dadka magaalada ka qaxay la siiyo fursad ay dib ugu soo laabtaan.

Ra'isal Wasaare Sharmaarke ayaa hormuud u ah guddiga dhex dhexaadinta, waxaa sidoo kale qayb ka ah Madaxweynaha Jubaland, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka, isimmo iyo culimaa'uddiin.

Galmudug way ogolaatay dhammaan qodobada lagu heshiiyey, haseyeeshee Puntland ayaa ka biyo diiddey qodobka dhigaya in la dhiso guddi wada-xaajood oo isku dhaf ah, waxayna ku baaqday in marka hore fursad la siiyo odayaasha dhaqanka, marka odayaashu xal gaaraan kadibna la furo wadahadal siyaasadeed.

Dhanka kale, Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo Galkacayo ku sugan ayaa Garowe Online u xaqiijiyey in Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas diidey in uu la kulmo dhiggiisa Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Xiriirka Puntland iyo Galmudug ayaa soo xumaanayey laga soo bilaabo markii degmada Cadaado lagu dhisay maamulka cusub ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Dagaal dhacay November 28, 2015, waxaa ku geeriyoodey ku dhowaad labaatan qof in ka badan konton qof oo kalena way ku dhaawacmeen. Dagaalka ayaa sidoo kale kumannaan qoys ku khasbay in ay guryahooda ka barakacaan.

Xaaladda magaalada ayaa xilligan ah midd deggen, waxaana rajo weyn laga qabaa in dadaallada nabadeynta ee Galkacayo ka socdaa noqdaan kuwo guul kusoo dhammaada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM