Wariye Cabdirizaq Silver oo lagu aasey magaalada Galkacayo

Image

Arbaco, Nov 19,2014 [GO]- Alaha u Naxariitee waxaa saaka lagu aasey magaalada Galkacayo Cabdirizaq Cali Cabdi 'Silver' kadib markii koox hubeysan habeenkii xaley ku dileen halka la yiraahdo Xero Daraawiish.

Aaska marxuumka ayaa waxaa kasoo qay galey mas'uuliyiin ka tirsan Mas'uuliyiinta gobolka Mudug, saxafiyiinta, culumaa'udiin iyo ehelada Alaha Naxariistee Cabdirizaq Silver.

Saxafiyiinta gobolka iyo Puntland ayaa ka codsadey dowlada Puntland iney gacanta ku soo dhigaan gacan ku dhiiglayaashii dilka u gaystey saxafigaan.

Idaacada Radio Garowe ayaa wax ka waydiisay arintaan Wasiirka Warfaafinta Puntland talaabada laga filayo dowlada iyo sababta loo beegsadey saxafiyiinta.

Wasiirka ayaa sidoo kale tacsi u direy dhamaan saxafiyiinta Puntland gaar ahaan ehelka wariye Cabdirizaq Silver.

Saddexdii sano ee ugu dambeeyey waxaa magaalada Gaalkacayo lagu diley shan weriye oo AHN Cabdirisaaq Cali Silver kamid yahay kuwaasoo saddex kamid ahina ka tirsanaayeen shaqaalaha Radio Daljir.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo weeraray goob uu ku sugan yahay ku-xigeenka Hogaamiyaha Daacish

Wararka ayaa intaasi ku soo beegmaya iyadoo ciidamada Puntland ay si weyn uga go’an tahay in ay burburiso xarumaha muhiimka ah.

  • Puntland

    13-10-2025

  • 12:45PM

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM