Wariye Deparani oo xiran maalintii 6-aad iyo baaqa saxaafadda oo socda

Image

24 November, 2015(GO)-Waxaa maalintii lixaad xabsiga weyn ee magalada Garowe ku xiran Wariye Jamac Yusuf Deparani oo ka tirsan telefishinka Somali Channel qaybta Garowe.

Wariyahan oo ilaa hadda la caddayn sababta uu ku xiranyahay, ayaa waxaa soo baxaya baaqyo ay wadaan wariyaasha ku nool magalada Garowe, iyo guud ahaanba kuwa ka hawl galaya Somalia iyo caalamka kale.

Saxafiyiinta ayaa dowladda ka codsaday inay xorriyadiisa u celiso Deparani, waxayna ugu baaqday inay ilaaliso xuquuqda qofka iyo dastuurka dalka u dhigan.

Gudoomiyaha ururka Saxaafadda Puntland Faysal Khaliif Bare, ayaa mar kale cadeeyay inuusan wax dambi ah lahayn wariyaha xiran, wuxuuna laamaha garsoorka, hay'adaha caalamiga iyo dawladdaba ugu baaqay sii daynta Deparani oo tilmaamay inaan loo marin sifo sharciga waafaqsan.

Arrinta xariga Jamac, ayaa keentay in wariyaasha Garowe, ku muujiyaan qaab qoraal iyo hadal isugu jira sida uga xunyihiin in la xiro wariye aan galin dambi.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Puntland oo shalay 23 November, markii ugu horraysay ka hadlay xarriga Deparani, ayaa ku tilmaamay inuu dalka iyo dadkaba dambi ka galay.

Soocade, ayaa sidoo kale Jamac ku dhaliilay inuu yahay wariye aqoon u lahayn mihnadda saxafinimo.

Lama oga xilliga kiiska wariyahan la keeni doono maxkamadda, waloow la sheegay inu xabsiga ku sii jiri doono muddo 15 bari ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM