Wariye lagu xirey magaalo madaxda Puntland ee Garowe

Image

GAROWE, Puntland- Magalada Garowe ayaa malinimadii 2/07/2017 waqtigii duhurnimada waxaa saldhiga booliska dhexe ee magaalada Garowe lagu xirey wariye Axmad Cali Kilwe.

Lama oga sababta loo xirey wariyahaan balse warar aan ka heley sarkaal ka tirsan ururka saxafiyiinta Puntland ayaa sheegaya in loo qabtey arin la xiriita maqaal uu ku qorey Barta Facebook.

Maqlakaan ayaa la sheegey in uu hadalo lid ku ah Madaxweynaha Puntland ku qorey taasoo sababtey in amar lagu siiyo in saldhiga Booliska lagu xiro.

Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in saxafigaan loo diidey in asxaabta, ehelka ay arkaan iyadoo sarakiisha Booliska sheegtey in amarka sidaas lagu baxshey.

Ma aha markii ugu horeysay dowlada Puntland xarig u gaysato wariyeyaasha ka howlgala maamulkaas kuwasoo la soo daayo iyadoo wax Maxamad ah lasoo taagin.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM