Wariyeyaal Garowe tababar loogu soo gabagabeeyey

Image
Image
Image
Image

February 19, 2015 (GO)- Tababar muddo saddex maalmood ah soconayey ayaa maanta qaar kamid ah wariyeyaasha ka hawlgala deegaanada Puntland magaalada Garowe loogu soo gabagabeeyey.

Tababarkaas oo lagu baranayey anshaxa saxaafadda iyo xoriyatul qawlka waxaa soo qaban qaabiyey ururka saxafiyiinta Puntland MAP oo kaashanaya ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed NUSOJ iyo hay'adda VIKES.

Guddoomiyaha MAP Faysal Khaliif Barre oo xiritaankii tababarka ka hadlay, ayaa wariyeyaasha ka qayb galay kula dardaarmey in macluumaadka ay faa'iideystaan dib xarumahooda ugula noqdaan shaqadoodana ku dabaqaan.

Wakiil ka socdey hay'adda horumarinta warbaahinta ee VIKES oo fadhigeedu dalka Finland yahay ayaa isna sheegay inay tahay markii ugu horeysey ee hay'addaasi mashruuc caynkan oo kale ah ka fuliso Puntland, wuxuu dhanka kale ammaanay heerka aqooneed ee bahda warbaahinta Puntland isagoo kuna dhiiri geliyey inay dadaalka halkaas kasii wadaan.

Xog-hayaha ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed NUSOJ Ibraahim Pakistan ayaa isna sheegay inuu ku faraxsan yahay qaabka uu tababarku kusoo gababa gaboobey isagoo xusey inay muhiim tahay in dadka loo tebiyo warar sugan, dhex dhexaad ah xaqiiqadana ku saleysan.

Ururka MAP oo sanadkii hore hoggaan cusub doortey wuxuu dadaal xooggan ugu jiraa sidii uu kor ugu qaadi lahaa aqoonta iyo xirfadda shaqo ee wariyeyaasha ka hawlgala deegaanada Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM