Wariyihii Saldhiga Booliiska lagu hayey oo xabsiga dhexe ee Garowe loo gudbiyey.

Image

GAROWE, Puntland- Saxafiga Axmed Cali Kilwe oo toddabaad ku xirnaa Saldhig Booliis ayaa loo gudbiyey Xabsiga weyn ee Garowe iyadoo aysan amrin Maxkamad welina ma cadda danbiga uu u xiran yahay marka laga tego warar soo baxaya oo sheegaya in uu amray xarigiisa Madaxweynaha Puntland oo dhibsaday warar ku baahiyey bartiisa Facebook.

Ururka Saxafiyiinta Puntland ee Map ayaa xariga wariyahan canbaareyey waxayna shegeen in haddii danbi loo haysto ay ahayd in loo maro sharciga.

Wasaarada warfaafinta Puntland oo wax lagu waydiiyey xariga wariye Axmed Cali Kilwe ayaa cadeysay inaysan amrin waxna aysan kala socon 

Xariga Wariyeyaasha ee gudaha Puntland ayaan loo marin sharciga waxaana in badan dhacda in la xiro lana sii daayo iyadoo aan Maxkamad la gayn si loo ogaado danbiga loo haysto.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM