"Warqadda is-burinaysa" ee Deni isku-dayay inuu ku xado wadahadal

Image
Mucaaradka Puntland ayaa gaashaanka ku dhuftey nooca wadaxaajood uu dalbaday madaxweynaha waqtiga ka dhacay.

GAROWE, Puntland - Mucaaradka maamulka Puntland ayaa caddeeyay mowqifkooda ku aadan wadahaladda uu ku dhawaaqay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaanayo Saciid Cabdullaahi Deni.

Sidda ku xusan qoraal ay soo saareen kaas oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online, mucaaradka ayaa soo dhaweynaya wadaxaajood dhab ah hase ahaatee aysan ogolaan doonin muddo kororsi.

"Hadaba, warqadi 27/11/2023 madaxweynahu soo saaray kuna magacaabay guddi wadahadal, dalladu waxay u aragtaa in ay ahayd mid is burineysa daacad-darrana ka muugato, dhinac ka sheegaysa wadahadal dhinaca kalena ay ka muuqato rabitaankiisa mudda korarsi," ayay sheegeen.

Bayaanka uu Deni soo saarey ayaa lagu muujiyay in uusan wali ka tanaasulin qorshihiisa boor isku qarinta ee ah qabashadda doorasho qof iyo cod ah iyadda oo bilooyin ay uga hareen muddo xileedkiisa saxda ah.

"Dalladdu waxay mar walba tageeraysaa guddoonkii isimadu ay horay u gaareen 01/11/2023, waxayna soo dhaweyneysaa dariq kasta o nabadgalyo ah, laguna gaari karo qabsoomida doorashada madaxtinimada Puntland, in ay ku dhacdo waqtigeedii dastuuriga aha (08.Jan.2024) si waafaqsan Dastuurka Dowladda Puntland qodabkiisa 79aad," ayay ku dareen mucaaradka.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda Puntland ayaa sheegay in dhawaqa kasoo yeeray Deni uu yahay "isku-day uu ku doonayo inuu isugu muujiyo mid ka caagan rabshado kuna xado fekerka shacabka iyo caalamka".

Dhanka kale, mucaaradka Puntland ayaa waxa ay ku taliyeen in fursad la siiyo dadaaladda nabadeed ee ay wadaan Isimada Dhaqanka SSC-khaatumo iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda.

"Dalladdu waxay soo jeedinaysaa in fursad lasiiyo dadaalada nabadeed ee ay hormuudka ka yihiin Isimada Dhaqanka SSC-khaatumo, culimada, ganacsatada, haweenka, qurbo-joogta, bulshada rayidka ah iyo beesha caalamka," ayay xuseen.

Shacabka Puntland ayay ugu baaqeen "inay u diyaar garoobaan doorasho ku dhacda wakhtigeedii 08.01.2024" taas oo ay kasoo bixi doonta hogaamiyaha Puntland muddo xileedka soo aadan.

Sikastaba ha haataee, mucaaradka Puntland ayaa horey waxa ay usoo saareen jadwal doorasho kaasoo ay sheegeen in ay ku dooranayaan "dowlad cusub" haddii Deni uu kusii adkeysto damaciisa doorasho toos ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM