Warsame: mushahar la'aan ayaa kamid ah arimaha aan isku casiley

Image

June 13, 2015 (GO)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Cadaallada Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa sheegay in sababaha uu isku casiley ay kamid tahay mushahar la'aan soo wajahdey shaqaalaha wasaaradda oo sida uu sheegay muddo siddeed bilood ah aan helin mushaharaadkii ay xaqa u lahaayeen.

"lix iyo toban bilood ayaan xilka haynay, dhaqaale xumo darteed lix iyo tobankaas bilood siddeed kamid ah , wax xuquuq ah iyo wax mushaharaad ah kama helin dowladda" ayuu yiri.

Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa sidoo kale sheegay in khilaafka soo kala dhex galay isaga iyo Madaxweyne Gaas arrimaha uu ka bilowday ay kamid tahay mushahar la'aanta shaqaalaha iyo sida dowladdu isaga xil sari la'dahay.

"mar walba waxan u doodi jirney in shaqaalaha xuquuqdooda helaan, waxyaabaha keenay khilaafka aniga iyo Madaxweynaha ayey kamid  ahayd"


Shaqaalaha dowladda ee mushaharaadku ka maqan yihiin ayaa ka walaacsan isku-shaandheynta la filayo in lagu sameeyo Golaha Wasiirrada, maadaama isbeddelka dhacayaa sababi doono in bixinta mushaharaadku raagto bilaha qaarna ay waayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM