Wasaarada arimaha gudaha Puntland oo digniin u dirtey dad reer Guuraa barakiciyey

Image

Dowladda Puntland ayaa si adag uga hadashay dad reer guuraa ah oo xeryo looga dhisay duleedka Garowe ka dib markii lagu war-galiyay in Hay’ado ay u qaybin doonaan raashin iyo lacag.

Dadkan ayaa tiradooda lagu sheegay in ay gaarayso 1500 , isla markaana waxa ay isugu jiraan qoysas ka soo barakacay abaartii ku dhufatay gobolka iyo dad deeganka ah oo doonaya in ay lacago ka helaan goobahaas.

Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Puntland C/laahi Maxamed Xaashi Qoob-deero oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa ka dalbaday dadkaasi in ay ku laabtaan goobihii ay ka yimaadeen , isla markaana laga baxay xiligii abaarta.

“Waxaa lagu soo kaxeeyay in la siinayo ari iyo raashin ,waxaan shacabka Puntland ee sharafta leh u sheegaynaa in arintaasi aysan waxba kajirn “ ayuu yiri wasiir ku xigeenka oo sheegay in ay talaabo ka qaadayaan dadka arimahaas ku lugta leh.

Wasiirka ayaa sheegay in goobaha dadkan la dajiyay aysan ka jirin wax adeeg ah sida musqulo ay dadku isticmalaan ,waxaana uu tilmaamay in dadka arintan ka shaqaynaya ay lacago ka macaashaan soo kaxaynta dadka abaartii hore ku waxyeeloobay

Ilaa iyo hadda ma cadda talaabada uu wasiirku ka dhawaajiyay waxa ay noqon doonto ,xilli aysan jirin wax qorshe ah oo loo hayo dadkan la soo khalday.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM