Wasaarada arimaha gudaha Puntland oo digniin u dirtey dad reer Guuraa barakiciyey

Image

Dowladda Puntland ayaa si adag uga hadashay dad reer guuraa ah oo xeryo looga dhisay duleedka Garowe ka dib markii lagu war-galiyay in Hay’ado ay u qaybin doonaan raashin iyo lacag.

Dadkan ayaa tiradooda lagu sheegay in ay gaarayso 1500 , isla markaana waxa ay isugu jiraan qoysas ka soo barakacay abaartii ku dhufatay gobolka iyo dad deeganka ah oo doonaya in ay lacago ka helaan goobahaas.

Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Puntland C/laahi Maxamed Xaashi Qoob-deero oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa ka dalbaday dadkaasi in ay ku laabtaan goobihii ay ka yimaadeen , isla markaana laga baxay xiligii abaarta.

“Waxaa lagu soo kaxeeyay in la siinayo ari iyo raashin ,waxaan shacabka Puntland ee sharafta leh u sheegaynaa in arintaasi aysan waxba kajirn “ ayuu yiri wasiir ku xigeenka oo sheegay in ay talaabo ka qaadayaan dadka arimahaas ku lugta leh.

Wasiirka ayaa sheegay in goobaha dadkan la dajiyay aysan ka jirin wax adeeg ah sida musqulo ay dadku isticmalaan ,waxaana uu tilmaamay in dadka arintan ka shaqaynaya ay lacago ka macaashaan soo kaxaynta dadka abaartii hore ku waxyeeloobay

Ilaa iyo hadda ma cadda talaabada uu wasiirku ka dhawaajiyay waxa ay noqon doonto ,xilli aysan jirin wax qorshe ah oo loo hayo dadkan la soo khalday.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM