Wasaarada Maaliayada Puntland oo sheegtey inaan mushahar lagu laheyn sanadkii 2016

Image

GAROWE, Puntland- Warsaxafadeed kasoo baxay xafiiska wasiirka maaliyada Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamadii dhowaan tagey xarunta Barlamanka Puntland aysan wax mushahar ah ku laheyn dowlada madaxweyne Gaas.

Warsaxafadeedkaan oo taabanyey arrimo badan ayaa lagu sheegay in madaxda wasaarada maaliyada Puntland cadeyneyso in ciidamdaan aysan jirin wax mushahar iyo adeeg ah ee ka maqan sanadka 2016 halka sanadka 2017 la siiyey mushaharadkoodii bishii January ee lasoo dhaafey waa sida hadalka loo dhigey.

Waasarada ayaa ku tilmaantey iney nasiib daro tahay in ciidamadaan soo baneeyaan goobihii ay difaaca ka jireen.

Dhinaca kale qoraalkaan ayaa lagu eedeeyey dad lagu sheegay iney marin habaabinayaan ra'yi caamka shacabka Puntland kuwasoo aan lagu xusin qoraalkaan magacyadooda iyo ururka siyaasadeedka  ay ka tirsan yihiin.

Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale maalintii shaley isagoo xariga ka jaraya shirkado ganacsi oo dad si gaar ah u leeyihiin ayaa sheegey in dad Dano Gaar ah leh khalkhal wadaan  kuwasoo shacabka uga digey iney dhageysan.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM