Wasaarada Maaliyada oo Barlamanka Puntland u gudbisay xisaabxirka Miisaaniyada 2015-2016

Image

GAROWE, Puntland- Ku simaha Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdilaahi Shiikh Axmed ayaa maanta golaha Barlamanka u gudbiyey xisaab xirka miisaaniyadii 2015 iyo 2016 waxaana xisaab xirkan lagu xusay is dhin ku yimid odoroskii la filayey ee hore ay u ansixiyeen Barlamanku.

Cabdilaahi Shiikh Axmed oo isagoo aan xasaanad lahayn gudbiyey xisaab xirkan ayaa sheegay in ku tala-galkii maliyedeed ee dakhligu uu ahaa janayo December 2016 $ 70,118,316.00,iyadoo dakhliga soo xaraadoy uu noqday sida u sheegay 60,349,545.87 iyadoona ay muuqato hoos dhac ku dhawan toban milyan doollar.

Cabdullaahi Shiikh ayaa arrimaha keenay is dhinka dakhliga la filayey waxa uu ku sheegay inuu ka yimid wasaaradda kallumaysiga, Isgaarsiinta, Canshuuraha gadiidka, dhoofinta xoolaha iyo lacago ay ka filayeen Bangiga aduunka oo qayb ka so gaartey.

Xubnaha golaha Barlamanka oo loo qaybiyey qoraalka xisaab xirkan ayaa ka doodi doona saddex-da maalmood ee soo socda, mana jirin wax su’aalaha oo ay fadhigii maanta ku waydiiyeen.

Wararka ayaa sheegaya in Barlamanka Puntland habeenkii xalay ka dalbadeen Madaxweyne Gaas in xisaab xirka miisaaniyada loo soo gudbiyo iyadoo khasab noqotey in deg deg Wasaarada maaliyada howshaas maanta ku gudbiso.

Barlamanka Puntland ayaa Talaadadii xasaanada kala noqday golaha wasiirrada arrimaha ugu waawayn ee loo riday ayaa sababteeda waxaa iska lahayd wasaaradda maaliyadda oo ka gaabisay bixinta mushahaarka ciidamada iyo shaqaalaha rayidka ah.

Sida Dastuurku qabo wasiirrada xasaanada laga qaaday ayaa shaqada sii wadi doono tan iyo inta Madaxweynaha Puntland uu ka soo dhisayo xukuumad cusub.

GAROWEONLINE 

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM