Wasaarada waxbarashada oo tababar u furtey 33 gabdhood

Image

January 12, 2015 (GO)- Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland ayaa maanta 33 gabdhood oo ka kala yimid gobollada Nugaal, Mudug, Bari iyo Gardafuu u furtey tababar lagu baranayo macalinimada.

Maamulaha Jaamacada GTEC  ee Garowe Axmed Cabdiraxmaan Shiikh Doon oo ka hadlay furitaankii tababarka ayaa faah faahin kooban ka bixiyey  waxyaabaha lagu baran doono iyo muddada uu socon doono.

Wuxuuna sheegay in tababarku socon doono muddo labo sano ah isagoo xusay in gabdhaha fursadda u helay ka kala yimaadeen 13 dugsi oo isugu jira kuwo hoose/ dhexe iyo dugsiyo sare.

Agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada Puntland Axmed Cabdi Cali oo isna goobta ka hadlaye ayaa sheegay inay muhiim tahay in gabdhaha labaro macalinimada maadaama taasi qayb libaax ka qaadan doonto hormarinta waxbarashada iyo qoyska labadaba.

Wasiirka waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame oo ugu dambeyntii goobta ka hadlay ayaa kula dardaarmay macalimiinta inay ka faa'iideysan fursaddan oo ah mid qaali ah isagoo sidoo kale sheegay in dowladda Puntland ay ka go'an tahay in la kobciyo waxbarashada gaar ahaan waxbarashada gabdhaha.

Gabdhaha tababarkan nasiibka u yeeshay oo Radio Garowe dareenkooda uga warbixiyey ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin fursadda la siiyey macluumaadka ay bartaanna dib ugula noqon doonaan goobihii ay ka yimaadeen bulshadana uga faa'iideyn doonaan.

Tababarkan waxaa iska kaashanaya hay'adda Relief International iyo Wasaaradda Waxbarashada Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM