Wasiirka Caafimaadka Puntland oo ka digay Cudurka Shuban biyoodka

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Wasaaradda Caafimaadka Puntland, ayaa maanta kulan u qabatay kooxo wacyigaliyaal ah oo dadka ka baraarujiya cudurrada Faafa kuwaasoo la isaga keenay caasumadda iyo deegaanada kale ee Puntland.

Kulanka oo ka dhacay xarunta wasaaradda Caafimaadka Puntland ee magaalada Garowe, ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiinta wasaaradda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo u badnaa haweenka.

Khudbad uu dadka wacyigaliyaasha ah u jeediyay wasiirka Caafimaadka Puntland, Cabdinaasir Cismaan Cuuke, ayuu ku sheegay in loo baahanyahay sidii dadka looga baraarujin lahaa cudurrada faafa gaar ahaan Shuban biyoodka oo ka dillaacay qaybo kamid ah dalka Somalia.

Cuuke, ayaa tilmaamay inay abaartii waddanka ka dhacday ay galaafatay noole badan kuwaasoo haraaga bakhtigoodii ay qaateen islamarkaana baraagaha iyo goobaha kale ee biyuhu ku kaydsamayaan ku dareen roobabkii dhawaan da’ay.

Wasiirku wuxuu ku ammaanay dumarka oo u badnaa dadkii madasha joogay sida wanaagsan ee ay u baraarujiyaan shacabka, isagoo ugu baaqay inaysan ka caajisin sidii looga hortagi lahaa cudurrada sida dhakhsaha ah u faafa.

Isu socodka gaadiidka iyo dadka ayuu carrabka ku dhuftay inay qayb ka qaadato cuduurada faafa ee ka jira gobollada Somalia qaar kamid ah, wuxuuna soo jeediyay in la muujiyo feejignaan dheeri ah.

Dhinaca kale Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Puntland, Cabdinaasir Cismaan Cuuke, aya la kulmay wafdi uu hogaaminayay qusulka safaarada Hindiya ee Soomaaliya Mr Rajesh Swami, iyagoo kawada hadlay arrimaha caafimaadka iyo dadaaladda ku aadan sidii looga hortagi lahaa cudurrada fida.

Wacyigalintan kuwo lamid ah ayaa wasaaraddu ka wadaa dhammaan gobollada Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM