Wasaaradda Cadaaladda iyo Diinta ee Puntland oo magaca laga bedelay

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa UU gebi ahaanba magacii ka bedellay wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Dowladda Puntland.

Sidda ku wareegto kasoo baxay xafiiska Deni taasi oo uu arkay warsidaha Garowe Online, waxaa magaca cusub uu noqonayaa Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka.

Talaabadan ayaa waxaa la sheegay in ay qeyb ka tahay dib u habayn lagu sameeyey Wasaaraddaha iyo Hay’adaha kala duwan ee maamulkan in ka badan 20-sano aas-aasan.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne, Lr-37, ee Luulyo, 03, 2019, magaca kaga bedelay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Xeer Madaxweyne Lr 01, ee February, 03, 2019, kuna Saabsanaa Magacaabidda Golaha Xukuumadda Cusub

Markuu tixgeliyey: Dib u habaynta lagu sameeyey Wasaaraddaha iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowladda.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta loo bedelay magac cusub oo ah Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM