​Wasaaradda Caddaaladda oo ka tacsiyaysay geerida Cali Gar-gaar

Image

GAROWE, Puntland- ALLAH ha u naxariistee, waxaa saaka magaalada Garowe ku geeriyooday Agaasimihii maamulka ee wasaaradda Caddaaladda Puntland, Cali Warsame oo loo yaqaanay Cali Gar-gaar.

Marxuumka ayaa u geeriyooday xanuun hayay muddo kooban, kaasoo markii dambe cusbitalka loo jiifiyay.

Agaasimaha wasaaradda Caddaaladda Puntland, Maxamed Cali Faarax oo la hadlay Radio Garowe, ayaa marxuumka Tacsi u diray, isagoo sheegay inuu ahaa shakhsi wanaagsan oo dadku jecelyihiin, kaasoo lagu xasuusan doono wax-qabad wanaagsan.

Wuxuu intaas ku daray inuu kamid ahaa dadkii lagu aas-aasay wasaaradda Caddaaladda Puntland, sannadkii 1998.

Agaasimaha ayaa Rabbi uga baryay inuu ka waraabiyo naxariistiisa caamka ah.

EEBBE naxariistii ha ka waraabiyee Cali Gar-gaar ayaa muddo dheer ka shaqaynayay wasaaradda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM