Wasaaradda warfaafinta Puntland oo amartay in la xiro Idaacado

Image

16 September, 2015(GO)-War qoraal ah oo ka soo baxay wasiirka warfaafinta Puntland Maxamud Xasan Soocadde ayaa lagu mamnuucay in la baahiyo Idaacadda Radio Muqdisho.

Qoraalka wasiirka ayaa lagu sheegay inaan la sii dayn karin Idaacado ay leeyihiin Maamullo kale, taasi oo wax u dhimaysa amniga iyo shuruucda Puntland.

Amarkan ayaa sidoo kala lagu war galiyay ururka suxfiyiinta Puntland MAP, dhammaan idaacadaha FM-ka, Taliyaasha qaybaha booliska gobaladda, Gudoomiyaasha gobaladda, xeer ilaaliyaha guud iyo madaxda Puntland sida Gaas iyo Camay.

Soocadde ayaa qoraalkiisa ku sheegay Idaacaddi fulin wayda amarkan in lagala noqon doon Ruqsada ku shaqaynta.

Puntland waxaa laga dhagaystaa Idaacado dhawr ah oo ay ka mid tahay, BBC, VOA, Radio Hiirad, Radio Ergo iyo kuwa kale, balse lama oga sababta Puntland u mamnuucday Radio Muqdisho.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM