Wasaradda waxbarashada Puntland oo arday u dirtey deeq waxbarasho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

30 Augusto, 2015(GO)-Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa sagootisay 15 arday oo dalka Suudaan looga helay deeq waxbarasho.

Ardaydan ayaa kamid ahay kuwii dhameystay waxbarashada dugsiga sare sanadkii 2014 isla markaana galay kaalimaha sar-sare.

Wasiirka waxbarashada dowladda Puntand Abshir Yuusuf Ciise  ayaa sheegay  inay dadaal ugu jiraan sidii ardayda Puntland loogu heli lahaa fursad fursado waxbarsho oo dalka.

"Sida aad la socotaan maanta waxaan sagootinaynaa arday deeq waxbarasho ka helay dalka Sudan oo galay kaalimaha ugu sareeya, arintaan in badan ayaan dadaal ugu soo jirnay sidii loo horumarinlaaha waxbarashada Puntland, maanta ilaahay waxaan uu nagu guuleeyay inay Puntland kaalinta 1-aad kaga jirto waxbarashada Somalia" Ayuu yiri wasiirka waxbarashada Puntland.

Abshir waxa uu ardayda ku booriyay inay ku dadaalaan ka faa'ideysiga aqoonta ay heleen, slamarkaana aysan ku mushquulin waxyaabo kale sida tahriibka oo uu ku tilmaamay dhibaato haysata dhalinta Somaliyeed ee dalka dibadiisa waxbarasho u aada.
Deeqaha wabrasho ee ay helaan ardayda Puntland ayaa waxaa ay soo bilaabatay xilligii madaxwayne Cabdiraxmaan Farole xilka hayay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM