Wasiir Dirir: Xasan Sheekh kama taliyo Puntland

Image
Wasiirka ayaa yiri: "Xasan Sheekh Caasimada ayuu magac u yaal ku jooga, oo ajnabi ku ilaaliyo”.

Garowe, Soomaaliya - Wasiirka Warfaafinta ee Maamulka Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir ayaa ka jawaabay go’aankii dowladda Soomaaliya ay ku amartay in la xiro Qunsuliyadda Itoobiya ee Garowe iyo Cayirnta Safiirka Itoobiya u jooga Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay ku fashilantay xoojinta dowladnimada iyo in dalka laga xoreeyo xagjirnimada, isagoo carabka ku dhuftay in aysan ka talin Puntland.

“Dowladdu waxay ka kooban tahay dal iyo dad, amarkeeduna waa inuu noqdaa mid la fuliyo, Xasan ma fulin karo xukunkiisa, dal iyo dad toona ma haayo, Caasimada ayuu magac u yaal ku jooga, oo ajnabi ku ilaaliyo”. ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka oo wareysi la yeeshay VOA ayaa sheegay, in Sharciga kala hagayay Dowldada Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah uu ahaa Dastuurka KMG, balse uu laalay madaxweynihii hore ee dalka, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka oo eedeymo culus u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in uu qortay dastuur isaga gaar u ah, isaga oo intaas ku daray in Puntland ay la shaqeynayso oo kaliya Ciddi ku dhaqanta dastuurka KMG ee la ansixiyay 2012.

Mar uu ka hadlayay heshiiskii Itoobiya, Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya aysan wax dhibaato ah ka dhaxeynin, balse ay ka dhaxayso Xasan Sheekh iyo Itoobiya, isagoo tusaale u soo qaatay wada hadalladii Xasan Sheekh Itoobiya la yeeshay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM