Wasiir dowlihii Xannaanada Xoolaha Puntland oo is-casilay

Image

GAROWE, Puntland- Wasiir dowlahi wasaaradda Xannaanada xoolaha Puntland, horayna usoo ahaa wasiir ku-xigeenka wasaaraddaas, ayaa maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaas oo loo magacaabay todobaadkan dhexdiisa.

Cabdiwali Seed Cilmi oo la hadlay Radio Garowe, ayaa sheegay in xilkan loo magacaabay isagoo ku maqan safar, wuxuuna sababta tanaasulkiisa ku sheegay inay la xariirto tabasho ku aadan jagada ka beel ahaan ay ka heleen golaha xukuumadda Puntland.

Seed, ayaa xusay in beesha uu kasoo jeedo u aragtay in xilkan iyo kii ka horeeyayba u cuntami karin, maadama ay yihiin dadkii wax kasoo dhistay Puntland islamarkaana qayb ka ah beelah fir-fircoon ee dalka Somalia.

Mar wax laga weydiiyay in beeshiisu cabashadan u gudbisay Madaxweynaha, wuxuu sheegay in tan iyo markii la magacaabay qaylo dhaan ay wadeen balse laga hoos qaadi waayay.

Mas’uulkan ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay inuu jiro khilaaf kala dhaxeeya Madaxweynaha Puntland, balse isagoo kajawaabaya, wuxuu qiray inay yihiin saaxiibo wanaagsan oo aysan jirin khilaaf sababay xil ka tagistiisa.

Dhawaan ayay ahayd markii Madaxweyne Gaas uu magacaabay 9 Wasiir oo kamid ah golaha xukuumadda Puntland, taasoo kusoo aaday xilli dhawaan uu waday isku shaandhayn saamaysan Maxkamada darajada kowaad ee gobollada Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM