Wasiir Juxa oo ka horyimid damaca Deni

Image

BOOSAASO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Cabdi Faraax Juxa ayaa buriyay doorashooyinkii isku dhafka ahaa ee ka dhacay magaalada Boosaaso oo ay qabteen garabka dowladda oo taageera ka helaya ururada Sincad iyo Mustabal oo dhinac ah iyo ururka Mideeye.

Wasiirka ayaa ka horyimid damaca madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah sii dhamaanayo ee Saciid Deni uu ka lahaa doorashada golaha deegaanka Boosaaso, isaga oo sheegay in aan gole deegan laga dhisin gudooonna laga dooran maadama doorashada aysan waafaqsaneen habraaca ay soo saartay wasaaradda.

“Boosaaso ma noqon karto mid ka duwan Dhahar, Baran, Gaalkacyo. Sida aan ku dhisnay si ka duwanna laguma dhisi karo, waxaana rabnaa inaa ilaalino rabitaanka dadka” ayuu yiri wasiirka mar uu ka hadlay mowqafkiisa ku aadan doorashadii maanta.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Boosaaso howsheeda ay ka adag tahay magaalooyinkii kale oo uu soo dhisay, sida uu hadalka u dhigagy. Isaga oo sheegay in aysan xamili karin khilaaf iyo isjiidjiid dhex mara labada dhinac.

Waxa uuna sheegay in loo baahnyahay gole deegaan oo dadka matali kara oo lagu kalsoon yahay oo aan muran ku jirin, waxuuna xaqiijiyay inuu wada hadal la geli doono dhamaan dhinacyada isku haysta gudoonka Boosaaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM