Wasiir ka tirsanaa Puntland oo u dhintay Coronavirus

Image

GAROWE, Puntland - Wasiir Ku-xigeenkii wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka ee Puntland, Asad Xuseen Xaashi, ayaa aroornimadii Isniinta maanta ah wuxuu ku geeriyooday magaaladda caasimadda ah ee Garoowe.

Sida ay sheegayaan wararka, marxuumka oo isbitaalka la dhigay Axadii shalay ahayd ayaa u geeriyoodey cudurka dilaaga ah ee Coronavirus kaasoo fara kulul ku haya degaanadda Puntland.

Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa, sida laga soo xigtay war qoraal ah oo lagu daabacay barta Facebook-ga ee Madaxtooyadda dowladda Puntland, wuxuu murugada la wadaagay qoyska marxuumka.

"Madaxweynaha Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed Mudane Siciid Cabdulahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo kan Shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka ee Puntland Asad Xuseen Xaashi oo ku geeriyooday Garoowe," ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraalka ayaa intaas la raaciyey: "Waxaan dhammaan ummada Soomaaliyeed, Shacabweynaha Puntland iyo Golaha Xukuumadda Puntland, uga Tacsiyeeynaya geerida Alle ha u naxariistee Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka ee Puntland Asad Xuseen Xaashi oo ku geeriyooday Garoowe".

"Marxuumku waxa uu ahaa masuul usoo shaqeeyay dalkiisa iyo dadkiisa, waxaana alle uga baryaya inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, dembigiisa dhaafo, su'aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay," ayaa lagu soo gabagabeeyay.

Bishii May, 2020, Wasiirkii Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland, Ismaaciil Diiriye Gama’diid, ayaa u dhintay cudurka Coronavirus ugu geeriyooday magaalada Muqdisho halkaasoo daaweyn loogu qaadey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM