Wasiir ku xigeenka cusub ee dekedaha PL oo maanta la dhaariyey

Image

April 1, 2015 (GO)- Madaxtooyada Garowe waxaa maanta lagu dhaariyey wasiir ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Dekedaha, Gaadiidka Badda iyo La-dagaalanka Burcadbadeedka, Cabdisalaam Ciise Toohe.

Shiikh Xassan Cabdi Cilmi oo ka tirsan maxkamadda sare ee Puntland ayaa dhaariyey wasiir ku-xigeenka.

Madaxweynaha oo dhaarta kaddib hadley ayaa guul u rajeeyey Dr. Toohe oo sida uu tilmaamey ah qof hufan karti iyo aqoon ku filanna u leh xilka loo soo magacaabey.

Gaas ayaa kula dardaarmey mas'uulkan inuu si fiican uga soo dhalaalo howsha loo dhiibey, isagoo Ilaah uga baryey inuu u fududeeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM