Wasiir ku xigeenka Dekadaha Puntland oo xilka laga qaadey

Image

Arbaco, September 2014 (GO)- Wasiir ku xigeenka Dekadaha iyo gaadiidka badda Cabdirashiid Gaani Cali ayaa wararka laga helayo xafiiska Madaxweynaha Puntland sheegayaan inuu xilkiisa ku waayay kadib markii uu dhaliil xoogan uu usoo jeediyay Axmed Cabdi Xaabsade oo dhowaan xukuumadda Gaas kusoo dhawaysay magalada Garowe.

Warar soo baxay tan iyo xalay ayaa sheegay mas'uulkaasi inuu ku waayay xilkiisa eedaynta uu Xaabsade u mariyay warbaahinta isagoo tilmaamey inaysan wax macno ah yeelan karin imaanshihiisa Puntland isla markaasna uu ka mid yahay dadkii Laascaanood gacanta u galiyay Somaliland.

''Imaanshaha Axmed Xaabsade wax macno ah oo ay samaynayso ma jirto, Axmed dembiyaduu galay wala ogyahay,  dhulkii uu bixiyay baa weli ku maqan gacan cadow, waala isticmaalay marka la isticmaalay oo dantii laga laha laga garayna inuu hadda yirahdo Puntland ban u soo noqday wax macno ay ii samaynayso malahan” ayuu yiri Gaani.

Balse wararka laga helayo madaxtooyadda ayaa sheegaya waraysiga uu Gaani bixiyay yahay mid saamayn ku yeeshay dhaq-dhaaqa iyo kulamo gooni gooni ah oo madaxtooyadda uga socday Xaabsade iyo madaxda Puntland, halka warar kale xusayaan in warqada xilka looga qaaday wasiir ku xigeenkaas miiska saaran tahay.

Maalmihii lasoo dhaafay magalada Garowe waxaa kusoo qulqulayay waxgarad kasoo jeeda Gobaladda Sool iyo Sanaag kuwaasoo looga yeeray madaxtooyadda Puntland

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxwayne Deni oo qaabilay hay’ad ka dhisan waddanka Mareykanka

Dhakhaatiirtan ayaa sanadkii labo mar u yimaada dalka in ay la shaqeeyaan Dowladda gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka.

  • Puntland

    20-05-2024

  • 05:25AM

Puntland oo bilad sharaf ku sagootisay ergayga Qaramada Midoobay

Catriona Laing ayaa xilka baneynaysa iyadda oo lagu badalay James Swan oo Ameerikaan ah.

  • Puntland

    19-05-2024

  • 03:21AM