Wasiir Soocade “ Khaatumo qabyaalad ayaan ku taageerayaa anoo wasiir ah” [Dhagayos]

Image

07 November, 2015(GO)-Wasiirka wasaaradda warfaafinta Puntland Maxamud Xasan Soocadde ayaa ka hadlay arrimo dhawr ah oo ku saabsan howlaha xukuumadda madaxweyne Gaas wado iyo kuwa la xiriira shakhsi ahaantiisa

Soocade oo waraysi siiyay telefishinta Somalichannel, ayaa tilmaamay in xukuumadda Gaas samaysay hawlo muhiim ah oo ay ka mid tahay; hagaajinta dhaqaalaha, samaynta garoomo diyaaradeed iyo furitaanka kastamo canshuureed.

Wasiirka oo wax laga weydiyay arrinta keentay gadoodka ciidamada hadii xukuumadda Gaas dhaqaalihii wax ka badashay, ayaa dafiray xuquuqda ciidamada sameeyay gadoodka, waxaana uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo ka maqnaa dib u habaynta iyo tira koob lagu samaynayay ciidamada Puntland.

Waxaa kale oo iska fogeeyay tababar la musuq maasuqay oo loo qaaday dad badankood aan wariyaal ahayn kuwaasi oo loo diray dalka Uganda, wuxuuna tilmaamay cidii hawshaasi ka dambaysay inay mareen wajibaadkii ay lahaayeen.

Wasiirka warfaafinta Puntland Soocade, oo ka hadlay arrimaha Khaatumo ayaa sheegay inuu horay qabyaal ugu tageeri jiray haddan isagoo wasiir ah qabyaalad ku taageerayo, isla markaana uu qoriga qaadanayo hadii ay dagaal galayaan.

Arrintan ayaa dadka u dhuun daloola siyaasadda ku tilmaameen inay tahay, fashilka siyaasadeed ee ka muuqda xukuumadda Madaxweyne Gaas.

Horay uma dhicin, wasiir ka tirsan Puntland inuu warbaahinta ka shaaciyo qabyaalad lagu taageerayo koox ama qabiil.

Arrimaha Federaalka iyo dagaal beeleed ka dhacay deegaanada Puntland ayaa wasiirku kaga hadlay waraysiga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM