Wasiirada Dastuurka iyo Federaalka Puntland oo is-casishay

Image

GAROWE Jan 24, 2015 [GO]- Warar lagu kalsoon yahay oo warsidaha Garowe Online ka heley ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Wasiirada Dastuurka, Federaarlka  iyo Dimuqaraadiyada Sahro Siciid Nuur madaxweynaha dowlada Puntland miiska u saartey qoraal ay xilka golaha wasiirada isaga casileyso.

Qoraalkaan oo sida wararku sheegayan adaxweynaha Puntland loo dhiibey inta uusan u dhoofin magaalada Bosaso ayaa la rumeysan yahay inuu ka aqabley wasiirada istiqaalada ay keentey.

Sababaha Wasiiradu ugu tagtey shaqada oo warsidaha Garowe Online isku taxaluujiyey inuu wax ka ogaado ayaa la rumeysan yahay iney la xiriirto faragalin Madaxweynuhu ku sameeyey arrimaha gudaha ee beesha Wabeeneeye oo ay kasoo jeedo.

Wasiirka Dastuurka Sahro Siciid ayey wararku intaas ku darayaan iney aad ugu xumaatey faragalinta lagu hayo arrimaha beesha iyada oo waqtigaan gacanta ku haysa xilka siyaasdeed islamarkaana aan waxba lagala socodsiin talaabooyinkan.

Xafiiska madaxweynaha Puntland iyo Wasiirada Dastuurka ayaan weli ka hadlin is-casiladda iyo arrimaha siyaasdeed ee soo kordhey iyadoo warsidaha Garowe Online isku dayey inuu la xiriiro dhinacyadaas balse u suurtagalin.

Warar dheeraad ah

Wasiirada Dastuurka ayaa sidoo kale wararku sheegayaan inay is casishey kadib markii agaasimaha Wasaarada laga badaley. Madaxweyne Gaas ayaa isku bedeley labada agaasime ee Wasaaradaha Qorsheynta iyo Dastuurka kadib markii saraakiil ku sugan madaxtooyada Puntland wada shaqeyn dhexmari waydey agaasimahii hore ee wasaarada qorsheynta.

Sahro Siciid ayaa cabsho arintaas ku aadan madaxweynaha Puntland u gudbisay balse lagama aqbalin.

Isku-badalka labada agaasime ayaa lala xiriirinayaa qorshaha "New Deal".

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM