Deni oo guddi u saarey xaaladda degmo ay baddu kusoo fatahdey

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Khamiis ah waxa uu gudoomiyey shirka todobaadlaha ee golaha Xukuumadda.

Axmed Cilmi Cismaan [Karaash], madaxweyne ku xigeenka iyo inta badan xubnaha Laanta Fulinta dowladda Puntland ayaa sidoo kale goobjoog ka ahaa kulanka.

Ugu horeyn, wasaaradda amniga oo warbixin ka bixisay xaaladda nabad-gelyadda guud ee dalka ayaa sheegtay in ammaanku uu hagaagsan yahay.

Goluhu wuxuu cod aqlabiyad leh uu ku ansixiyey Xeerka Howlgabka Shaqaalaha dowladda oo ay soo gudbisay wasaaradda shaqadda, shaqaalaha iyo dhalinyaradda.

Hindise Sharciyeedkan ayaa waxa uu xaq-siinayaa howladeenadda dowladda Puntland marka ay noqdaan kuwa howlgab ah.

Wasaarada howlaha guud oo shirka keentay warbixin ku saabsan burburkii wadooyinka ayaa soo bandhigay qorsheyaasha si dhameystiran loogu dayactirayo.

Intii uu kulanka socday, golaha ayaa wuxuu sidoo kale ka arrin-sadey xaaladda degmada Caluula ee gobolka Gar-dafuu oo dhowaan ay baddu ku fatahdey.

Madaxweyne Deni ayaa wuxuu guddi u saarey latacaalida mashaqadda degmadaasi, waxayna soo qiimeyn doona xaaladda iyo gurmadka loo fidinayo.

Ugu dambeyntii, golaha wasiiradda ayaa waxay si wadajir ah uga tacsiyadeeyay geerida Abwaan Maxamuud Singub oo todobaadkan ku dhintay dalka Itoobiya.

MUUQAALKA KULANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM