Wasiirada Puntland oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Miisaaniyadda 2019

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Gollaha xukuumadda dowladda Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaala madaxda Garowe ahna xarun goboleedka Nugaal.

Shirka oo ay soo xaadireen inta badan xubnaha gollaha wasiiradda ayaa waxaa gudoomiyay madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni.

Ugu horeyn, waxaa warbixin laga dhageystay wasiirka amniga, kaasi fahfaahin ka bixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee nabad-gelyada degaanada Puntland.

Warbixinta wasiirka kadib, gollaha ayaa isku raacay in ay muhiim tahay in la adkeeyo amaanka, oo kamid ah qorshayaasha ugu muhiimsan xukuumada.

Qaybo kamid ah degaanada Puntland waxaa ka jirta abaar saameysay duunyo iyo dadba, waxayna kamid ahayd qodobadii shirka lagu soo hadal-qaaday.

Golluhu wuxuu isku waafaqay in ahmiyad gaar ah la siiyo sidii loogu gurman lahaa shacabka reer Puntland oo ay saameysay musiibadaasi rabaaniga ah.

Wasaarada Maaliyada ayaa gollaha horkeentay Miisaaniyada 2019-ka dowladda ee sagaalka bilood ee ka harsan sanadkaan.

Wasiirada oo cod u qaaday miisaaniyadda ayaa natiijada kasoo baxday waxay noqotay in si wada ogol ah ay ku meel-mariyeen.

"Maalinta Sabtida ah ee todobaadka soo aadan ayaa la horgeyn doonaa Gollaha Wakiilada si dhankooda cod ugu qaadaan," ayuu yiri, Cali Xasan Axmed Sabarey, wasiirka warfaafinta Puntland oo ka warbixinayay shirka.

MUUQAALKA KULANKA WASIIRADDA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM