Wasiirada Puntland oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Miisaaniyadda 2019

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Gollaha xukuumadda dowladda Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaala madaxda Garowe ahna xarun goboleedka Nugaal.

Shirka oo ay soo xaadireen inta badan xubnaha gollaha wasiiradda ayaa waxaa gudoomiyay madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni.

Ugu horeyn, waxaa warbixin laga dhageystay wasiirka amniga, kaasi fahfaahin ka bixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee nabad-gelyada degaanada Puntland.

Warbixinta wasiirka kadib, gollaha ayaa isku raacay in ay muhiim tahay in la adkeeyo amaanka, oo kamid ah qorshayaasha ugu muhiimsan xukuumada.

Qaybo kamid ah degaanada Puntland waxaa ka jirta abaar saameysay duunyo iyo dadba, waxayna kamid ahayd qodobadii shirka lagu soo hadal-qaaday.

Golluhu wuxuu isku waafaqay in ahmiyad gaar ah la siiyo sidii loogu gurman lahaa shacabka reer Puntland oo ay saameysay musiibadaasi rabaaniga ah.

Wasaarada Maaliyada ayaa gollaha horkeentay Miisaaniyada 2019-ka dowladda ee sagaalka bilood ee ka harsan sanadkaan.

Wasiirada oo cod u qaaday miisaaniyadda ayaa natiijada kasoo baxday waxay noqotay in si wada ogol ah ay ku meel-mariyeen.

"Maalinta Sabtida ah ee todobaadka soo aadan ayaa la horgeyn doonaa Gollaha Wakiilada si dhankooda cod ugu qaadaan," ayuu yiri, Cali Xasan Axmed Sabarey, wasiirka warfaafinta Puntland oo ka warbixinayay shirka.

MUUQAALKA KULANKA WASIIRADDA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM

Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay in Daacish looga adkaadey Dagaalka Calmiskaad

Si kastaba ha ahaatee, ilo maxalli ah ayaa sheegay in dagaalyahannadu weli ku dhuumaalaynayaan deegaanka.

  • Puntland

    25-10-2025

  • 01:36PM