Wasiirada Puntland oo meelmariyay Miisaaniyadda Dowladda ee 2025

Image
Golaha Xukuumadda ayaa sidoo kale ansixiyey wax-ka-bedelka Xeerka Xabsiyada Puntland.

GAROWE, Puntland -  Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay:

- Amniga.

- Ansixinta Miisaaniyadda 2025.

- Fariisiinta Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka kala ah Garoowe, Godobjiiraan iyo Dangoroyo. 

- Ansixinta wax-ka-bedelka Xeerka Xabsiyada Puntland, Golaha ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey wax-ka-bedel lagu sameeyay Xeerka Xabsiyada Puntland oo ay Golaha la wadaagtay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta.

Golaha ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Miisaaniyadda Dowladda ee 2025, taasi oo noqonaysa wadarta guud $466,840,762 waxaa ay Miisaaniyadu  korortay 18% marka la barbardhigo sannadka 2024.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM