Wasiirka Amniga DF: ciidamada ayaa fashiliyey weerarkii xalay

Image

March 12, 2015 (GO)-  Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka, Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa ka warbixiyey qarax gaari loo adeegsadey oo xalay ka dhacay meel u dhow Hotel Maka Almukarrama ee magaalada Muqdisho.

Wasiirku wuxuu sheegay in weerarkaas ciidamada boolisku fashiliyeen kadib markii laamaha sirdoonku xilli hore ay xogtiisa heleen, wuxuu sidoo kale sheegay in falkaas loo soo qabtey afar qof.

"ciidamada booliiska iyo kuwa nabdsugiddu waxay si geesinimo leh uga hortageen qaraxa oo ahaa mid la doonayay in xalay la fuliyo, waxaa lasoo qabtay afartii ruux ee ka tirsanaa Al-shabaabka ee gaariga qarxay watay" ayuu yiri.

Hal qof ayaa ku dhintey labo kalena way ku dhaawacmeen qaraxii xalay ka dhacay dhabarka dambe ee Hotel Maka Almukarrama.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM