Wasiirka Amniga DF: ciidamada ayaa fashiliyey weerarkii xalay

Image

March 12, 2015 (GO)-  Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka, Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa ka warbixiyey qarax gaari loo adeegsadey oo xalay ka dhacay meel u dhow Hotel Maka Almukarrama ee magaalada Muqdisho.

Wasiirku wuxuu sheegay in weerarkaas ciidamada boolisku fashiliyeen kadib markii laamaha sirdoonku xilli hore ay xogtiisa heleen, wuxuu sidoo kale sheegay in falkaas loo soo qabtey afar qof.

"ciidamada booliiska iyo kuwa nabdsugiddu waxay si geesinimo leh uga hortageen qaraxa oo ahaa mid la doonayay in xalay la fuliyo, waxaa lasoo qabtay afartii ruux ee ka tirsanaa Al-shabaabka ee gaariga qarxay watay" ayuu yiri.

Hal qof ayaa ku dhintey labo kalena way ku dhaawacmeen qaraxii xalay ka dhacay dhabarka dambe ee Hotel Maka Almukarrama.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM