Wasiirka Amniga Puntland oo hortagay Baarlamanka

Image
Image

November 8, 2014 (GO)-Wasiirka Amniga Puntland Xasan Cismaan Aloore ayaa maanta oo Sabti ah hortay Baarlamaanka si uu warbixin uga dhiibo xaalada Amniga iyo waxa u qabsoomay toban bilood.

Aloore oo soo jeediyay khudbad qaadatay in ka badan 15-daqiiqo ayaa ku nuux nuuxsaday inay wax badan ka qabteen ka hortaga dagaaladda qabaa'iilka, adkaynta amniga iyo hoos u dhiga weeraraddii kooxda Al-Shabab.

Waxa uu kale uu sheegay in qaar ka mid ah ardaydda Puntland tababar dibadda u qaadeen si loosoo baro howlaha amniga, Aloore ayaa sheegay inay ka go'an tahay sidii loosii adkayn lahaa nabadgalyadda.

Marka uu dhameeyay khudbadiisa ayaa waxaa qaar ka mid ah mudanayaaashii fadhiga maanta soo xaadiray waydiiyay su'aalo xasaasi ah oo ku saabsan dilal gudaha Puntland loogu gaystay saraakiil iyo ciidan, taasoo ilaa iyo hadda aan waxba laga qaban.

Kooxda Al-Shabab ayaa duleedka magalada Bosaso ku dishay allaha u naxariistee taliyihii ciidanka aaga Galgala Cabdirisaaq Afgaduud, sidoo kale qof isi soo miidaamiyay ayaa qaybta ciidanka booliska Gobalka Bari  isku qarxiyay Taliyihii ciidanka booliska Bari Cabdiraxmaan Muslim.

Wasiirka Amniga ayaa noqday wasiirkii ugu horeeyay ee hortaga fadhiga 34-aad ee Baarlamaanka si looga dhagaysto warbixintiisa ku aadan xaalada amniga Puntland.

Wasiiradda Arrimaha gudaha, Cadaladda iyo Dastuurka iyo waliba Taliyaha ciidanka Booliska Gen.Maxamed Siciid ayaa maanta hortagay fadhiga.

Warbixinta Wasiirka Amnigu siiyey baarlamaanka ayaa kusoo aadeysa maalmo kadib markii magaalada Bosaso lagu diley gacansade gobolka Bari caan ka ahaa kana soo jeedey deegaanka Galgala.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM