Wasiirka arimaha gudaha Federaalka oo lagu soo dhoweeyey Bosaso

Image

BOSASO, Puntland- Wasiirka Arimaha gudaha Somalia ayaa 2/07/2017 si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Bosaaso ka dib safar dhanka dhulka ah oo uu kaga soo kicitimay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Kar-kaar.

Gudoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhado ,duqa degmada Bosaso ,saraakiil ciidan iyo qaybaha kale ee bulshada ayaa wasiirka ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaso,iyada oo si weyn loo adkeeyay amniga magaalada.

“Waxaan rabaa inan halkan uga mahad-celiyay madaxda Somalia oo wasiir Juxa xilkan ku aaminay runtii waxa uu hormuud u yahay mas’uulyiin kala duwan oo horey Puntland xilal uga soo qabtay “ ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Bari.

Wasiirka dekadaha Puntland Saciid Maxamed Raage oo kamid ahaa masuuliyiintii soo dhaweeyay Juxa ayaa  sheegay in magaalada Bosaso ay tahay magaalada kaliya ee cid walba marti-galisay ,isla markaana ay ku nool-yihin Somali badan oo ka soo kala jeeda gobolada dalka.

Wasiir Juxa oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in uu jiro wal-wal ay bulshada Somaliyeed ka qabto dhanka amniga ,waxaana uu laamaha dowladda ka codsaday sidii gacan bir ah loogu qaban lahaa aminga,isla markaana lagula dagaalmi lahaa kooxaha xagjirka ah.

Ugu danbayn , wasiirka ayaa safaro kala duwan horey ugu soo maray magaalooyinka Garowe ,Eyl iyo Qardho ,waxaana dhamaan meelihii uu booqday uu kula soo kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay ku jiraan xubnaha dowladda iyo waxgaradka.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM