Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland oo is-casilay xilli Gaas is-sharxay

Image

GAROWE, Puntland - Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Puntland, Cabdullaahi Cali Xirsi [Tima Cadde] oo war-fidiyeenka kula hadlay magaalada Garowe, saaka oo Arbaco ah, ayaa ku dhawaaqay inuu iska-casilay xilkii uu ka hayay Xukuumadda Gaas.

Xirsi oo warqadda is-casilaaddiisa u gudbiyay Madaxwayne Cabdiweli Gaas ayaan fahfaahin sababta uu shaqadda uga tagay, balse kusoo koobay sababo isaga u gaar ah.

“Waxaan saaka idinku yeeray [warbaahinta] inaan u sheego shacabka Soomaaliyeed iyo reer Puntland, inaan iska casilay xilkii aan hayey oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha, muddo sanad iyo afar bilood ah,” ayuu yiri Tima Cadde.

Cadullaahi Xirsi ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay Puntland – Sanadkii 2015-kii waxuu ka noqday maamulka Cabdiweli Gaas Wasiirka Beeraha.

Sanadkii 2017-kii, Cabdullaahi Cali Xirsi [Tima Cadde] ayaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladdaha Hoose, xilkaasi oo uu maanta ka dhawaajiyay inuu baneeyay.

Is-casilaadiisa ayaa kusoo aadaysa xili Puntland ay galeysa 8-da bisha January ee sanadka 2019-ka doorashadda Madaxtinimadda xili warar soo baxaya ay sheegayaan in Xirsi uu halkaasi damac uga jiro, oo isasa soo sharxi doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM