​Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia oo Garowe yimid xilli uu fariin u diray shacabka Puntland [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dib u hishiisiinta dowladda Federaalka Somalia, ayaa maanta soo gaaray magaalada Garowe caasumadda Puntland halkaasoo soo dhaweyn sare loogu sameeyay.

Wasiirka ayaa socdaal dhinaca dhulka ah kaga yimid magaalada Galkacyo oo dhowr maalin kawaday shirar ku saabsan dib u hishiisiinta iyo xasilinta gobolka Mudug. 

Duleedka Koonfureed ee magaalada Garowe, ayaa wafdigan waxaa uga hortagay oo soo dhaweyn u sameeyay; masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, maamulka gobolka Nugaal kan Caasumadda, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, isimo, waxgarad, aqoon yahano iyo qaar kamida bulshada rayidka ah.

Soo dhoweyn kadib Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guddaha dowladda Somalia, ayaa shacabka caasumadda kula hadlay Barxadda Garowe isagoo ka mahadceliyay sida heerka sare leh ee loogu maamuusay caasumadda Puntland.

Juxa, ayaa shacabka Garowe u sheegay inuu hambalyo uga wado Madaxweynaha iyo Ra'isal wasaare Khayre. 

Wuxuu intaas ku daray in Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia kusoo wajahanyahay magaalada Garowe, sidaas darteed reer Garowe looga fadhiyo inay usoo dhaweyaan si maqaam sare leh. 

Mar uu ka hadlayay amniga iyo kala dambaynta ka jirta Puntland, wuxuu sheegay inay tahay arrin aad u muhiimsan oo loo baahanyahay inay dadku ka qayb qaataan sidii loo ilaalin lahaa, isagoo carrabka ku dhuftay inay jiraan cadow badan oo doonaya inay dhantaalaan hormarka waddanka gaar ahaan Puntland. 

Intaas kadib Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Somalia, ayaa loo gudbiyay xarunta Madaxtooyada halkaasoo ku qaabilay Madaxweyne Gaas iyagoo kawada hadlay arrimo ku aadan dadaalada ay wado wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia. 

Wasiirka ayaa sidoo kale galabta booqasho sharafeed ku tagay hoyga uu Garowe ka daganyaha Islaam Ciise Islaam Maxamed.

Waa socdaalkii ugu horeeyay ee Juxa ku yimaado magaalada Garowe tan iyo markii uu kamid noqday golaha xukuumadda Federaalka Somalia ee hormuudka u yahay Xasan Cali Khayre. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM