Wasiirka Cafimadka Puntland oo beeniyey inuu is casiley [DHEGEYSO]

Image

June 28, 2015 (GO)- Wasiirka cusub ee dhowaan loo soo magacaabay Wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Cismaan Cuuke ayaa beeniyey warar lagu baahiyey qaar kamid ah mareegaha internetka oo sheegayey in uu xilkaas iska casiley.

Cuuke ayaa waraysi gaar ah siiyey Radio Garowe isaga oo ku sugan magaalada Toronto ee dalka Canada.

Wasiirka Caafimaadku wuxuu been abuur ku tilmaamay warqad magaciisu ku saxiixan yahay, taas oo lagu sheegay inuu is casiley maadaama Cuuke xil doon ahayn, islamarkaana layska soo magacaabay isagoon fikirkiisa waxba laga weydiin.

Dhanka kale, Cuuke wuxuu sheegay in dhowaan uu kusoo wajahan yahay magaalo madaxda Puntland ee Garowe, si uu ula wareego xilka.

WARQADDA BEEN ABUURKA AH:

GAROWE  ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM