​Wasiirka Cadaaladda Puntland "Bishii waa la arkay, barrina waa Soon"

Image

GAROWE- Kulan waqti dheer qaatay oo ay isugu yimaadeen culimaa'udiinka Puntland iyo madaxda wasaaradda cadaaladda ayaa lagu shaaciyay inay barri oo taariikhdu ku beegantahay 06 Jun ay tahay Ramadaaan.

Wasiirka Cadaaladda Puntland, Saalax Xabiib Xaaji Jaamac, oo saxaaafadda caawa kula hadlay magalada Garowe ayaa caddeeyay in bisha laga arkay meelo badan oo caalamka kamid ah, isagoo intaasi raaciyay in dalka Soomaaliya laga arkay magalada Jowhar.

Saalax ayaa tilmaamay inuu bisha Soomaliya ka arkay guddoomiyaha maxkamadda racfaanka Sheekh Axmed, iyadoo uu dhaariyay oo cadeeyay in arrintaasi lagu kalsoonaan karo Macallin Muxumed Cabdikariim oo culimada gobolka Shabeellaha dhexe kamid ah.

Wuxuu shacabka Puntland ugu baaqay inay u diyaar garoobaan sidii ay barri u soomi lahaayeen isagoo ugu hambalyeeyay dhammaan umadda Islaamka bilshada bisha Barakacysan.

Meelaha laga arkay, waxaa kamid ah dalka Sacuudiga, Imaaraadka Carabta,Turkiga, Mallaysiya iyo qaybo kamid ah dunida Islaamka.

Warsidaha Garowe ayaa isaguna Hambalyo taa lamid ah u diraya dhammaan umadda Islaamka, isagoo u rajaynaya inay ku soomaan Caafimaad iyo Nabad.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM