​Wasiirka Cadaaladda Puntland "Bishii waa la arkay, barrina waa Soon"

Image

GAROWE- Kulan waqti dheer qaatay oo ay isugu yimaadeen culimaa'udiinka Puntland iyo madaxda wasaaradda cadaaladda ayaa lagu shaaciyay inay barri oo taariikhdu ku beegantahay 06 Jun ay tahay Ramadaaan.

Wasiirka Cadaaladda Puntland, Saalax Xabiib Xaaji Jaamac, oo saxaaafadda caawa kula hadlay magalada Garowe ayaa caddeeyay in bisha laga arkay meelo badan oo caalamka kamid ah, isagoo intaasi raaciyay in dalka Soomaaliya laga arkay magalada Jowhar.

Saalax ayaa tilmaamay inuu bisha Soomaliya ka arkay guddoomiyaha maxkamadda racfaanka Sheekh Axmed, iyadoo uu dhaariyay oo cadeeyay in arrintaasi lagu kalsoonaan karo Macallin Muxumed Cabdikariim oo culimada gobolka Shabeellaha dhexe kamid ah.

Wuxuu shacabka Puntland ugu baaqay inay u diyaar garoobaan sidii ay barri u soomi lahaayeen isagoo ugu hambalyeeyay dhammaan umadda Islaamka bilshada bisha Barakacysan.

Meelaha laga arkay, waxaa kamid ah dalka Sacuudiga, Imaaraadka Carabta,Turkiga, Mallaysiya iyo qaybo kamid ah dunida Islaamka.

Warsidaha Garowe ayaa isaguna Hambalyo taa lamid ah u diraya dhammaan umadda Islaamka, isagoo u rajaynaya inay ku soomaan Caafimaad iyo Nabad.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM